Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Aadan Yabaal xilli DF ay heshay garab weyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa halkaasi kula kulmi doono saraakiisha ciidanka ee hoggaamineysa howlgalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Waxaa degmada Aadan Yabaal in muddo ah ku sugnaa Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Korneyl Shuute oo halkaas ka waday dardar-gelinta howlgalada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dul istaagi doona xaaladda nololeed ee deegaannada laga xoreeyey argagixisada muddadii la soo dhaafay, maadaama dowladdu ay dadaal badan ku bixisay gurmadka, adeegyada aasaasiga ah iyo daryeelka dadkeenna ku nool deegaannada la xoreeyey oo duruufo adag la noolaa inta ay ku jireen gacanta argagixisada.

Intaas kadib, madaxweynaha ayaa u gudbi doona degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo sidoo kale kula kulmi doono saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo hoggaanka Macawiisley.

Howl-galka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu laba-jibaarmo, iyadoo maanta Muqdisho soo gaartay diyaarada aan duuliyaha laheyn ee Turkiga sameeyay ee Akinci oo ka qeyb qaadan doonta howlgaladaas.

Haddaba maxay tahay diyaaradda Akinci?

Diyaaradan ayaa waxay si xiriir ah u duuli kartaa illaa 25 saac, iyadoo qaadi karta gantaalo culeyskoodu gaarayo illaa 1,500 oo kiilo.

Waxay halkii mar xambaari kartaa illaa 8 gantaal, waxayna duuli kartaa masaafo dhan 7,500 oo kilomitir (Xamar intay ka duusho ayay Cape Town, South Africa soo duqeyn kartaa, kadibna Xamar kusoo laaban kartaa).

Diyaaradan ayaa halkii xabo qiima ahaan waxaa lagu qiyaasaa inay gaari karto illaa 8 milyan oo doolar. Waxaana dowladda Soomaaliya usoo iibisay dowladda Qatar oo Turkiga uga dalabtay.

Si kastaba, diyaaradan ayaa ah mid awood u leh inay burburiso bartilmaameed walba, waxayna door muhiim ah ka qaadan doonta dagaalka Al-Shabaab, iyadoo ka barbar dagaalami doonta geesiyaasha ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this