Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada oo ku dhowaaqay xilliga ay dhaceyso doorashada deegaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay in dhammaadka bisha Juun la qabanayo doorashada golaha deegaanka.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka, Cabdikariim Axmed Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in guddigu ay la wareegeen qalabkii doorashada loo adeegsan lahaa.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay bilaabanayso diiwaan-gelinta dadweynaha, si ay u doortaan hoggaankooda, kadibna loo dareeri doono doorashada.

“Waxaan la wareegnay dhammaan qalabkii doorashada, bisha soo socota waxaa bilaabanaysa diiwaan-gelinta dadweynaha, waxaana noo bilaabmaya doorashada golaha deegaanka,” ayuu yiri guddoomiye Cabdikariim Axmed Xasan.

Guddiga doorashooyinka oo weli lagu muransan yahay hanaankii ay ku imaadeen ayaa muddooyinkii dambe ku howlanaa hirgelinta hanaanka doorasho qof iyo cod, iyagoo dhawaan bilaabay diiwaan-gelinta ururrada siyaasadda, inkasta oo ay ganafka ku dhufteen mucaaradka.

Guddiga ayaa ku doodaya inay dalka gaarsiin karaan doorasho xor iyo xalaal ah, taas oo dadweynaha ku soo dooranayaan hoggaankooda, wallow uu shaki badan ku gadaaman yahay hanaanka doorasho qof iyo codka ah oo si weyn ugu dhagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba, waxaa isha lagu hayaa sida uu ku dhaqangali doono qorshahan oo looga guurayo nidaamkii codeynta doorashooyinkii dadbanaa ee Soomaaliya wax ku dooraneysay tan iyo sannadkii 2000-kii.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this