Sign in to follow this  
Deeq A.

Amiirkii dilalka qorshaysan iyo qaraxyada u qaabilsanaa Daacish oo xalay ku geeriyooday xabsi ku yaalla Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
img_1_1742287055317.jpg?resize=720%2C650

Cabdiraxmaan Shirwac Aw Siciid (Laahoor) oo amiir u ahaa shakabad dilalka qorshaysan iyo qaraxyada u qaabilsanayd argagixisada ISIL, islamarkaana bil ka hor soo galay gacanta dowladda Puntland ayaa xalay meydkiisa laga helay qolkii uu kaga xirnaa xabsi ku yaalla xerada ciidanka PMPF ee Boosaaso.

Ilo wareedyo amni oo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in aroornimadii hore ee saaka meydka Laahoor laga helay qolkii uu kaga xirnaa xerada Ciidanka PMPF ee garoonka diyaaradaha Boosaaso, halkaasi oo lagu hayay tan iyo markii uu soo galay gacanta dowladda Puntland 3 Febraayo ee sannadkan 2025.

Cabdiraxmaan Laahoor oo maxkamad ciidan ku heshay in uu madax u ahaa shabakad halis oo argagixisada ISIL u qaabilsanayd dilalka qorshaysan iyo qaraxyada, iyadoo shabakaddaasi ay dilalkii iyo qaraxyadii ugu badnaa ka fulisay magaalada Boosaaso ayaa bishii Juun ee sannadkii 2022 isaga iyo kooxdiisi lagu xukumay dil toogasho ah.

Balse, Laahoor oo maxkamaddu xukuntay isaga oo maqane ah ayaa maalmo kaddib wareysi uu bixiyay ku dafiray danbigii lagu helay, halka dowladdu xubnihii kale ee shabakaddiisa ku fulisay dilkii lagu xukumay.

PUNTLAND POST

The post Amiirkii dilalka qorshaysan iyo qaraxyada u qaabilsanaa Daacish oo xalay ku geeriyooday xabsi ku yaalla Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this