Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta howlgal qorsheysan oo ciidanka dowladda ay ku dileen Cabdirashiid Banaaney

Recommended Posts

Deeq A.   
Danab-2.jpeg?fit=1643%2C1094&ssl=1

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen galbeedka gobolkaasi, kaas oo lagu beegsaday horjooge ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Howlgalka oo ay qaadeen ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Hilabanaaney oo u dhow deegaanka Jicibow, waxaana lagu beegsaday guri ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku yaalla halkaasi.

Guriga la weeraray ayaa waxaa xilligaas joogay sarkaal sare oo Shabaab ah, kaas oo magaciisa lagu sheegay Cabdirashiid Banaaney, laguna khaarijiyay howlgalka.

Sidoo kale waxaa lala dilay maleeshiyaad kale oo ku sugnaa deegaanka la weeraray, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ku aadan howlgalkaasi.

Cabdirashiid Banaaney ayaa lasoo wariyay inuu ahaa sarkaal dhibaato xooggan ku hayay dadka deggan galbeedka Hiiraan, waxaana maanta soo afjaray ciidamada huwanta ee howlgallada ka wada halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana ciidamada dowladda ay dhaq-dhaqaaqyo ka sii wadaan gobolka Hiiraan, kuwaas oo looga hortegayo kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay dhinaca Khawaarijta oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda.

Galbeedka Hiiraan ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda, waxaana badanaa ka dhaca weeraro iyo dagaallo dhex-mara labada dhinac.

Guud ahaan HirShabeelle ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo aad u culus, iyada oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta iyo dadka deegaanka oo qorshahoodu yahay inay ka hortagaan Al-Shabaabka soo galay gudaha maamulkaas.

Ciidamada huwanta ayaa sidoo kale taageero ka helaya saaxiibada caalamiga ah oo iyana duqeymo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliya deegaannada ay ka socdaan howlgallada ee gobolkaasi.

The post Xogta howlgal qorsheysan oo ciidanka dowladda ay ku dileen Cabdirashiid Banaaney appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this