Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo kulanka loogu sii gogol xaadhaayo shirka nabadaynta beelaha Ceel-afweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‰๐’๐‹ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ฎ ๐ฌ๐ข๐ข ๐ ๐จ๐ ๐จ๐ฅ ๐ฑ๐š๐š๐๐ก๐š๐ฒ๐จ ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ง๐š๐›๐š๐๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐‚๐ž๐ž๐ฅ ๐€๐Ÿ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐๐š ๐ฅ๐จ๐จ ๐ฑ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ข.

img_10_1742231207234.jpg

img_7_1742231137975.jpg

img_8_1742231160807.jpg

img_6_1742231122932.jpg

img_4_1742231088483.jpg

img_3_1742231069705.jpg

img_2_1742231024160.jpg

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo ee Toddobaadadii ugu dambeeyey ku sugnaa Magalaada Ceerigaabo ayaa magaalada Ceel Afweyn kulan loogu sii gogol xaadhayo shir weynaha nabadaynta Ceel-afweyn kula yeeshay Guddida loo xulay Shirka Nabadaynta beelihii ay colaadu ku dhex-martay Degaanadaasi.

Kullanka ayaa waxa ku welelinayey Madaxweyne ku-xigeenka xubno Wasiiro ah iyoTaliyaha Ciidanka Qaranka iyo weliba Maamulka Gobolka Sanaag iyo ka Degmadda Ceel-Afweyn, Xildhibaano iyo madaxda dhaqanka oo uu hormuud u yahay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow.

Madaxweyne kuxigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu dheeraday mihiimmada ay nabadu u leedahay bulshada, isaga oo la dardaarmay beelaha walaalaha ah ee ku dhaqan Degaamada Ceel Afweyn.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu xusay in Xukuumada cusub ee Wadajir iyo Waxqabad ay ka goโ€™an tahay in ay ka shaqayso midnimada iyo wadajirka bulshada reer Somaliland, waxana uu yidhi:

โ€œXukumada Cusub waxa ay diyaarisay mashaariic horumarineed oo laga fullin doono gobolka Sanaag, marka uu dhamaado qorshaha nabada iyo qaramaynta ciidamada madaniga ah. Gobolka Sanaag Qiimo badan ayuu ugu fadhiya Somaliland, taasina waxa markhaati u ah muddada kooban ee Xukumadu jirto iyo sida ay mihiimada weyn u siisay Gobolka Sanaagโ€.

Shirweynaha nabadaynta Ceel-Afweyne ayaa la isla gartay in si rasmi ah loo furo maalinta Arbacada ah ee soo socota ee Todobaadkan.

Gunaanadkii, Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa halkaasi ka ballan qaaday inay Xukuumadu ay si dhab ah u fulin doonto goโ€™aamada ka soo baxa shirka nabadaynta Ceel Afweyn.

ALLAA MAHAD LEH,

Xuseen Aadan Cige (Deyr),

Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this