Sign in to follow this  
Paragon

Wounded Ex-TFG Soldier speaks of the resistance's bravery

Recommended Posts

Paragon   

Askari katirsan dawladda oo ku dhaawacmay dagaallada kana sheekeeyay wixii uu arkay isagoona ballan qaaday in uusan dib ugu laaban doonin shaqadaasi.

 

Ehelada askar katirsanaa Ciidamadii dhawaan lagu soo tababaray dalka Itoobiya isla markaana ku dhaawacmay dagaalada ay kula galaan Muqdisho xoogaga hubeysan ayaa ka sheekeeyay wixii uu la kulmay,isagoona ballan qaaday in uusan dib ugu laaban doonin howsha ciidamada.

 

Isagoo qaba dhaawac kasoo gaaray dhanka Lugta ayuu haatan yaalla Cusbitaalka,waxaana la tacaalaya waalidiintiisa sida uu inoo sheegay mid kamid ah ehelada askarigaasi oo aan wareysanay.

 

Askarigu wuxuu sheegay in dhowr jeer uu dagaallo ka galay Muqdisho isagoo kasoo horjeeda xoogaga wax iska caabinta,ugu danbeyna uu ku dhaawacmay il xumo badana uu la kulmay inti uu dhaawaca ahaa ilaa waalidiintiisa ay isu xil qaaman sidi ay u daweyn lahaayeen.

 

Waxaa uu adkeeyay in dib uusan ugu laaban doonin shaqadaasi dibna uusan ula dagaalami doonin xoogaga wax iska caabinta,oo uu ku sheegay rag ay u cadahay in ay dhintaan isla markaana aanan uga hareyn askarta nolosha,waxaa uu cadeeyay in dhufeysyada ay ku jiraan mar waliba ay dantu bidi jirtay in ay ka cararaan marka ay arkaan xoogagaasi oo si indha la'aan ah isaga soo socda kana baqeynin rasaasta hadii xitaa la dilayo.

 

Ciidamada dawladda oo isagu kamid ahaa ayuu ku eedeeyay in aysan sidaasi oo kale u dagaalami karin maadaama ay lacag darteed u joogaan shaqadaasi hadane waxaa uu yiri in aan la daryeeleyn dhaawacyda askarta halka xoogaga wax iska caabinta si wanaagsan loo xanaaneeyo heer dhaawacyadooda qaar dibadda loo qaado.

 

Askarigaasi waxa sidoo kale uu qiray in ciidamada Itoobiyaanka oo iyagu aan inta badan ka bixin xeryahooda ay la kulmaan khasaare lixaad leh mar waliba oo la is qabto maadama iyagu ay isku dhabar adkeeyaan in aysan cararin hadii taasi ay ku kacaana ciqaab adag ay dul dhigeen saraakiisha ka sareysa.

 

Ciidamo badan oo kamid ahaa dawladda Federaalka ayaa hore u iibsaday hubkoodii iyago qaarna tahriibay halka kuwa kalena ay gobolllada aadeen,waxaana jira kuwa kale oo dhinacyada kasoo horjeeda dawladda isku soo dhiibay iyaga iyo hubkooda kadibna loo fududeeyay in ay iska baxaan.

 

http://www.markacadey.net/main/news.php?readmore=3966

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

What a coward! He is protesting now when he is wounded and captured..L0L. Oh the danger such a captivity brings, ninku caqli wayna! War qoorta ka jara yaa yiraa.. It would have been much more courageous to speak up BEFORE he set foot in Xamar, not afterwards. Yaa uga baahan hadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this