Sign in to follow this  
Deeq A.

Asad oo qaaday tallaabo la xiriirta amniga Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
484868978_1161067422726529_8230868769796

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) ayaa xalay qaaday tallaabo culus oo la xiriirta amniga magaalada Muqdisho, isaga oo sameeyay kormeer amni xaqiijin ah.

Taliyaha oo ay wehlinayeen saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliyeed ayaa booqday baraha koontarool ee laga sugo amniga caasimadda, saldhigyada booliska iyo goobaha dadweynuhu isugu yimaadaan oo ay ku jiraan kuwa ganacsiyada ee Muqdisho.

Asad Diyaano ayaa sidoo kale la kulmay qaar kamid ah bulshada Soomaaliyeed oo uu ugu baaqay inay booliska kala shaqeeyaan amniga, si looga hortago falalka amni darrida ah.

Qoraal kooban oo kasoo baxay taliska booliska ayaa waxaa lagu sheegay in ujeedka taliyaha uu ahaa sidii uu qiimeyn lahaa xaaladda amni iyo mida shaqo ee ciidamada.

“Kormeerka shaqo ee Taliyaha ayaa salka ku hayey u kuur galidda xaaladda shaqo ee Ciidanka Booliska, waxaana bulshada uu la kulmay ee ku sugnaa baraha hubinta iyo goobahooda ganacsi ee habeenkii xiliga dambe shaqeeya ka waraystay xaaladooda amaan, isagoo ka codsaday in Ciidanka ay la shaqeeyaan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Inta uu kormeerka ku jiray taliyaha ayaa sidoo kale ka dukaameystay goobo ganacsi oo ku yaalla waddada hareeraheeda, isaga oo ganacsatada ku bogaadiyay shaqadooda.

Arrintan ayaa laga gol-leeyahay dardar-gelinta amniga caasimada oo maalmahan ay kusoo dhawaadeen Al-Shabaab, kadib markii lagu arkay duleedka magaalada Muqdisho.

Meelaha lagu arkay xubnaha Shabaab waxaa kamid ah deegaannada Ceelasha Biyaha, Xaawo-Cabdi iyo Lafoole oo dhaca inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, taas oo keentay cabsi laga qabo inay koxoda weeraro ka fuliso halkaasi.

Horay sidaan oo kale waxa ay usoo gaareen degmada Balcad oo iyana qiyaastii 35 KM u jirta caasimada, iyaga oo saacado kooban haystay, kadibna isaga baxay.

Hadal-heyn culus ayaa hadda ka taagan magaalada Muqdisho oo sidaan ay Shabaab ugu soo dhawaadeen markii ugu horeysay 10-kii sano ee lasoo dhaafay, kooxda ayaa horay ugu goodisay in 17-ka Ramadaan ka hor ay Muqdisho qabsanayaan.

Soomaaliya ayaa hadda u baahan badbaado deg deg ah, maadaama Al-Shabaab ay wadaan weerarro is dabajoog ah oo aan horay loo arag, halka awoodda ciidamada qaranka ay sii dhimayso, halka meelaha qaarna ay ka jirto abaabul yari iyo gaabis dhanka dowladda ah.

The post Asad oo qaaday tallaabo la xiriirta amniga Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this