Deeq A. Posted March 17 Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymo culus oo xalay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Duqeymaha oo ahaa is daba-joog ayaa lagu garaacay deegaanno ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, sida Ceel Cali Axmed, Ceelbacad iyo aagga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana jira khasaare culus oo la gaarsiiyay argagixisada. Sidoo kale duqeymahan oo ay fuliyeen saaxiibada caalamiga ah ayaa ka dhacay deegaanno dhaca xadka uu Shabeellaha Dhexe la leeyahay gobollada Hiiraan iyo Galgaduud oo ah meelaha ay kasoo tallaabadaan xubnaha soo galay gobolkaasi. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in la bartilmaameedsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha Khawaarijta, lana gaarsiiyay khasaare culus. Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay faah-faahin dheeraad ah ka bixiso duqeymahan iyo khasaaraha ka dhashay, maadaama xilli habeen ah ay dhaceen. Duqeyntan waxaa ka horreysay mid kale oo habeen hore ka dhacday degmada Jilib ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe, taas oo lagu beegsaday xarunta degmada, xarunta waxa ay ugu yeeraan jabhadaha, labo xarun oo ay ku samayn jireen tababarada iyo qaraxyada iyo labo guri oo ay daganaayeen Horjooge Xasan Yacquub iyo Horjooge Amiin, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta. Qoraal kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in la burburiyay dhammaan xarumahaasi, sidoo kalena lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro badan oo ka tirsanaa kooxaha argagixisada, waxaana dowladdu intaasi kusii dartay in la burburiyay xarumaha la duqeeyay. “Howlgal aad loo qorsheeyay oo ay sameeyeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa lagu bartilmaameedsaday xarumo muhiim ah oo Khawaarijta ay ku lahaayeen magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, kuwaas oo kala ah, xarunta degmada, xarunta waxa ay ugu yeeraan jabhadaha, labo xarun oo ay ku samayn jireen tababarada iyo qaraxyada iyo labo guri oo ay daganaayeen Horjooge Xasan Yacquub iyo Horjooge Amiin” ayaa lagu yiri war shalay kasoo baxay wasaaradda warfaafinta. Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaca kale digniin culus u dirtay shacabka weli dhex deggan Al-Shabaab oo loogu baaqay inay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan xubnaha kooxda, maadaama lagu hayo duqeymo joogta ah. “Digniin, Dowladda Soomaaliya waxay uga digaysaa shacabka Soomaaliyeed ee sugan goobaha Khawaarijtu ku dhuumaalaysanayaan inay u dhowaadaan xarumaha Khawaarijta ama goobaha ay joogaan cadowgu, maadaama Khawaarijta lagu beegsanayo goob kasta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka dowladda Soomaaliya. Duqeymahan ayaa waxaa lagu taageerayaa ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ee haatan dagaalka adag kula jiro argagixisada oo ay isku hayaan Shabeellooyinka. Waxaa kale oo looga hortegayaa qorshaha dib isku soo abaabulidda Al-Shabaab oo mar kale kusoo rogaal celisay deegaanno horay looga xoreeyay, iyadoo ujeedka duqeymaha ay yihiin in lagu curyaamiyo awooddooda.The post Faah-faahinta duqeymo culus oo ka dhacay Sh/Dhexe appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites