Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiin sare iyo taliyeyaal ciidan oo xalay tegay Afgooye + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   
mahdi-1.jpg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale qaaday tallaano la xiriira amniga caasimada iyo deegaannada u dhow, waxaana xalay mas’uuliyiin sar sare iyo taliyeyaal ciidan ay socod ku tageen illaa degmada Afgooye.

Mas’uuliyiinta ayaa waxaa hoggaaminayay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye, waxaana qayb ka ahaa taliye ku xigeenka ciidanka booliska Soomaaliya Cismaan Maxamed Cabdullahi (Kaniif), taliyaha qaybta booliska gobolka Banaadir Macallin Mahdi iyo saraakiil kale oo qaabilsan amniga.

Ujeedka ugu wayn ee mas’uuliyiintan u tageen halkaas ayaa ah inay qiimeeyaan xaaladda ammaan ee waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo maalin kahor ay soo galeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida laga xigtay dadka deegaanka.

Mas’uuliyiinta ayaa booqday xarumaha ciidamada, baraha koontaroolada, iyaga oo ciidamada amniga ku boggaadiyay inay laba jibaaraan shaqadooda, si ay uga hortagaan suurtagalnimada weeraro ka yimaada Al-Shabaab iyo wax kasta oo liddi ku ah amniga.

Sidoo kale waxa ay kormeereen goobaha ganacsiga, iyaga oo ganacsatada iyo dadka deegaanka ku booriyay inay kala shaqeeyaan amniga guud ee deegaannadaasi.

Waxaa kale oo mas’uuliyiinta iyo taliyeyaasha tegay illaa degmada Afgooye ay ka dhawaajiyeen inay ka go’an tahay adkeynta amniga deegaannadaas iyo guud ahaan caasimada Muqdisho oo hadda ka xasiloon weeraradii iyo qaraxyadii Al-Shabaab.

Kormeerkan waxaa ka horreeyay howlgal culus oo habeen hore ciidamada ammaanka ay ka sameeyay aagga deegaanka Ceelasha Biyaha, kuwaas oo jawaab u ahaa dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ay bilaabeen, si looga hortago.

Horay sidaan oo kale waxa ay usoo gaareen degmada Balcad oo iyana qiyaastii 35 KM u jirta caasimada, iyaga oo saacado kooban haystay, kadibna isaga baxay.

Hadal-heyn culus ayaa hadda ka taagan magaalada Muqdisho oo sidaan ay Shabaab ugu soo dhawaadeen markii ugu horeysay 10-kii sano ee lasoo dhaafay, kooxda ayaa horay ugu goodisay in 17-ka Ramadaan ka hor ay Muqdisho qabsanayaan.

Soomaaliya ayaa hadda u baahan badbaado deg deg ah, maadaama Al-Shabaab ay wadaan weerarro is dabajoog ah oo aan horay loo arag, halka awoodda ciidamada qaranka ay sii dhimayso, halka meelaha qaarna ay ka jirto abaabul yari iyo gaabis dhanka dowladda ah.

The post Mas’uuliyiin sare iyo taliyeyaal ciidan oo xalay tegay Afgooye + Sababta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this