Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: police top unit raid safe house, kill arrest many

Recommended Posts

Ciidamada Boliska Oo Weerar Ku Qaaday Guri Ku Yaal Bakaraha

 

Muqdisho, Somalia (Calanka.com) 05-Sebtember-2007

 

Saakay waabarigii ayaa waxaa ey ciidamada bolisku weerar lama filaan ahaa ku qaadeen guri ku yaal gudaha suuqa bakaaraha, gurigaasoo ey mudo ku tuhunsanaayeen in ey ka howlgalaan kooxaha dowladda kasoo horjeeda isla markaana qaraxyada iyo amni darida ka geysta qeybo ka mid magaalada Muqdisho.

 

Weerarkan oo ahaa mid lama filaan ah ayaa isku badalay dagaal socday qadar daqiiqado ah kadib markii kooxaha ku sugnaa gurigaas oo hubeysnaa ka warheleen in guriga loogu soo galay dabadeedna iska caabiyeen intii karaankoodu ahaa.

 

Dagaalkan oo saameeyay rugta guriga iyo deegaanada ku hareereysan ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisu kala duwan, waxaana wararku shegayaan in dagaalkaas uu dhaliyay khasaare naf iyo maalba leh oo inta badan ku koobnaa qolyaha is hardiyay iyo guriga uu dagaalku ka dhacay oo lagu qaraacay madaafiic.

 

Waxaa sidoo kale la arkayay ciidamada boslika oo ku quminaya gawaari ey wateen rag indhaha ka xirnaa oo u muuqday in laga soo qabqabtay guriga uu dagaalku ka qarxay kadib markii ey xabadu istaagtay, waxaana ilaa iyo iminka ku baahsan eeriyada uu gurigu ku yaal ciidamo aad u faro badan oo wata gawaarida dagaalka.

 

Gurigan oo sida muuqata bartilmaameed u ahaa ciidamada boliska ayaa waxa uu weerarkiisu dhacay saakay waa barigii xilli ey dadka deegaanku badankiis hurdayeen iyo kooxihii gurigaasi ku sugnaaba taasoo keentay in jahwareer iyo dagaallo xoogani ka dhacaan halkaasi.

 

Waxaa sidoo kale weeraro ka dheceen xalay deegaanka SOS ee suuqa xoolaha halkaasoo weerar kusoo qaadeen saldhib bolis kooxo aan la garaneyn, iskohor imaadkaas ayaa socday qadar daqiiqado ah mana cada ilaa iyo iminka qasaaraha ka dhashay weerarkaasi xalay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Ciidamada Booliska oo ku dilay dagaalkii Bakaaraha Hoggaamiye maliishiyo

5. September 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Wararka ugu danbeeyay ee galabnimadan ka soo baxaya dagaalkii saakay waaberigii iyo maanta ku dhex maray suuqa Bakaaraha ciidamada Booliska iyo kooxaha ka horjeeda ayaa sheegaya in saakay barqanimadii dhismo ku yaala gudaha suuqa Bakaaraha uu ku geeriyooday mid ka mid ah Hoggaamiyeyaasha kooxaha ka horjeeda dowladda.

 

Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamada Boolisku ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta suuqa Bakaaraha iyo nawaaxigiisa isla markaana ay soo afjareen dagaalkii ay kaga horyimaadeen kooxaha ka horjeeda iyadoo Afhayeenka Booliska G/le C/Waaxid Maxamed Xuseen uu sheegay in kooxihii ka horjeeday ay ka dhigeen kuwa dhinta kuwa dhaawacma iyo qaar la qabqabtay.

 

Waxaa weli xeran goobihii ganacsiga iyo wadooyinka gala suuqa Bakaaraha halkaasoo ay si xad dhaaf ah ugu sugan yihiin ciidamada Dowladda oo wata baabuurka dagaalka ee loo yaqaano tiknikada kuwaasoo baaritaan ku sameynaya dadka oo si yar u maraya wadooyinkaasi kuwaasoo u muuqda qaar ku go’doomay goobaha uu ku fiday iska hor imaadkii saakay.

 

Tirada dhimashada ayaa la xaqiijiyay in ay gaareyso 8 qof halka inta la og yahay la sheegay in ay ku dhaawacmeen tiro gaareysa 29 qofood iyadoo iminka aysan jirin wax xabad ah oo ka dhacaya guud ahaanba suuqa Bakaaraha iyo nawaaxigiisa.

 

Madaxa xiriirka Saxaafadda iyo dadweynaha G/Le C/waaxid Xuseen ayaa sheegay in Booliska ay ka dhaawacmeen sadax askari isagoo xusay in Booliska ay diyaar u yihiin in ay ku dhintaan iyagoo gudanaya waajibaadka ay u xil saran yihiin oo ah difaacida maalka iyo nafta muwaadinka Soomaaliyeed isagoo sheegay in ay sii socon doonto howlgalada lagaga hortegayo kooxaha afka duubta ee aqoonyahanka iyo waxgaradka dalka iyo dadka u tari lahaa madaxa ugu toogta Bakaaraha iyo nawaaxigiisa.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

S/bakaaraha oo nabdoon iyo Ciidanka Dowlada Fedaralka Somaliya oo Wali Baaritaan ka Wada Goobo Ka Mid ah Suuqaasi.

 

Ciidamada Xooga Dalka Somaliyeed oo baaritaan guri ka guri ka wada suuqa bakaaraha oo saakey dagaal xoogan uu ku dhaxmarey haraadigii qarandiidka oo ku dhuumaleysanyey guryo ka mid ah suuqa bakaaraha qeybtiisa jumlada dawooyinka lagu iibsho.

 

Ciidamada ayaa waxa ay heleen, warar sheegaya in guri ku yaal aaga S/bakaaraha ee daawooyinka uu ku dhuumaleysanayan xubno Al-Shabaab ka tirsan laguna farsameeyo waxyaabaha qarxa, iyadoo sidoo kale uu ahaa guri ay ku kala warqaataan kooxaha qarandiidka ah.

Gurigaasi oo ilaalo xoog ahi ay ka hayeen maleeshiyo aad u hubeysneyd ugana jirey dhufeys ahaan guryaha gurigaasi ku xeeransanaa ayaa waxaa hal mar lagu bilaabey rasaas aan kala joogsi laheen ciidamadii dowlada oo u socdey in ay baaritaan ku sameyaan gurigaasi.

 

Ciidamo aad u fara badan ayaa dhinacyo badan ka galay goobta uu dagaalka ka qarxay oo aad moodo in ay diyaarsanayen, waxeeyna ay Bilabeen dagaal foolka fool ah oo aad u qaraaraa, 45 daqiiqo ka dib waxaa loo itaal sheegtey maleeshiyadii qarandiidka oo si xoog ah loogu maquuniyey in ay isdhiiban.

 

Wariyaha shabakada carmooyin.com oo qadka taleefonka kula xiriirey qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowlada fedaralka somaliya ee ku sugan goobta dagaalka, ayaa waxeey u sheegeen in dagaalkii uu dhamaadey ayna gacanta ku dhigeen maxbiis farabadan uu ka mid yahay masuulkii ugu sareeyey ee fulinayay qorshaha dagaalada Muqdisho.

 

Suuqa Bakaaraha ayaa ilaa iyo haatan wali xiran, Ciidamada ayaa waxa ay hakiyeen gawaarida BL-Ka iyo Dadka inta uu hawgalkani socdey, ilaa iyo haatana wali waxaa socda dhaqdhaqaaq ay ciidanka xooga dalka somaliyeed iyo booliska ku hubinayaan in uu suuqa ka nabadoon yahay rabshawadayaasha shacabka ku dhax laaya maalin waliba suuqa bakaaraha dhaxdiisa.

 

 

Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho Somalia Contact Carmooyin@hotmail.com OrCarmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Booliska Gobolka Banaadir oo gacan bir ah ku qabtay kooxihii dadka ku dili jiray Bakaaraha { 05 Sep 2007}

 

waxaa la daabacay Wed 05 Sep 2007 09: 41: 46

Wararka ugu danbeeyay ee galabnimadan ka soo baxaya dagaalkii saakay waaberigii iyo maanta ku dhex maray suuqa Bakaaraha ciidamada Booliska Gobolka Banaadir iyo kooxaha ka horjeeda ayaa sheegaya in saakay barqanimadii dhismo ku yaala gudaha suuqa Bakaaraha uu ku geeriyooday mid ka mid ah Hoggaamiyeyaasha kooxaha ka horjeeda dowladda.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamada Boolisku ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta suuqa Bakaaraha iyo nawaaxigiisa isla markaana ay soo afjareen dagaalkii ay kaga horyimaadeen kooxaha ka horjeeda iyadoo Afhayeenka Booliska G/le C/Waaxid Maxamed Xuseen uu sheegay in kooxihii ka horjeeday ay ka dhigeen kuwa dhinta kuwa dhaawacma iyo qaar la qabqabtay.

 

Waxaa weli xeran goobihii ganacsiga iyo wadooyinka gala suuqa Bakaaraha halkaasoo ay si xad dhaaf ah ugu sugan yihiin ciidamada Dowladda oo wata baabuurka dagaalka ee loo yaqaano tiknikada kuwaasoo baaritaan ku sameynaya dadka oo si yar u maraya wadooyinkaasi kuwaasoo u muuqda qaar ku go’doomay goobaha uu ku fiday iska hor imaadkii saakay.

 

Tirada dhimashada ayaa la xaqiijiyay in ay gaareyso 8 qof halka inta la og yahay la sheegay in ay ku dhaawacmeen tiro gaareysa 29 qofood iyadoo iminka aysan jirin wax xabad ah oo ka dhacaya guud ahaanba suuqa Bakaaraha iyo nawaaxigiisa.

 

Madaxa xiriirka Saxaafadda iyo dadweynaha G/Le C/waaxid Xuseen ayaa sheegay in Booliska ay ka dhaawacmeen sadax askari isagoo xusay in Booliska ay diyaar u yihiin in ay ku dhintaan iyagoo gudanaya waajibaadka ay u xil saran yihiin oo ah difaacida maalka iyo nafta muwaadinka Soomaaliyeed isagoo sheegay in ay sii socon doonto howlgalada lagaga hortegayo kooxaha afka duubta ee aqoonyahanka iyo waxgaradka dalka iyo dadka u tari lahaa madaxa ugu toogta Bakaaraha iyo nawaaxigiisa.

 

Email: admin@gobolkabanaadir.com

Gobolkabanaadir.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal ka dhacey suuqa Bakraaha

5 Sep 5, 2007 - 8:14:48 AM

 

Abaaro 6:30 aroornimo[5 September.2007] ayaa ciidamada Booliska iyo kooxaha ka horjeeda dowladda uu dagaal fool ka fool ahi oo la isku adeegsaday rasaas iyo qoryaha garbaha laga rido ee loo yaqaan baasuukayaasha uu ku dhex maray agagaarka qeybta Daawada ee suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

 

Afhayeenka ciidanka Booliika Cabdi-Waxid

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka bilowday ciidamada Booliska dowladda oo helay warbixin ku saabsan guri weyn oo ku yaala bartamaha suuqa Bakaaraha iney ku sugan yihiin xubno ka tirsan saraakiishii Maxaakiimta iyo hoggaamiyeyaal ka tirsan kooxaha weerarada u geysta fariisamada ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia, halkaasna ay booliska kala kulmeen iska caabin xoogan oo loo adeegsaday bambooyinka, rasaas iyo Basukeyal kaasoo sababay inuu ku fido qeybo kale oo ka tirsan suuqa Bakaraha iyo nawaxigiisa.

 

Warar ayaa sheegaya in howlgalkii saakay uu ku geeriyooday sarkaal sare oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha sare ee kooxaha ka horjeeda dowladda kaasoo lagu magacabo C/kariin Axmed Diiriye kadib markii guriga uu ku jirey gebi ahaanba gubtey.

 

Dagaalkan ayaa waxaa ku dhaawacmey dad gaaraya 31 qof ay kuwaas oo ka dhowaa goobihii lagu diriray iyo kuwo ay rasaastu ugu tagtay deegaano kale, balse wararka ugu danbeyay ayaa sheegaya in xaaladu suuqa degan tahay oo ay si buuxda ula waregeen ciidamada Booliska sida uu sheegay madaxa xiriirka saxafadda Booliska G/le C/waxid Maxamed Xuseen oo qiray in Boolisku ay ka dhaawacmeen sadax askari ayna sii wadi doonaan howlgalada lagu sugayo amaanka guud ahaan Muqdisho.

 

Garowe Online,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Northerner:

 

A tip of from the public resulted in a dawn raid on suspected safe house for the criminal networks. At the time the house was full and an exchange took place, the police unit called for back up and in the resulting exchange the house was destroyes with around 8 killed all fighters inside. Three police officers were injured in the clash and more than 30 others from the other side as well as public got hurt.

 

There is a name

Warar ayaa sheegaya in howlgalkii saakay uu ku geeriyooday sarkaal sare oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha sare ee kooxaha ka horjeeda dowladda kaasoo lagu magacabo C/kariin Axmed Diiriye kadib markii guriga uu ku jirey gebi ahaanba gubtey.

The proof, the safe house is in police hands and only the police are talking, while the other side is quite.

 

Also if you read the criminal netwrok web portals its a day of sadness. This only ever happens when there is an armed setback.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo ka tirsan dowlada federaalka oo fariisimo ka sameystay wadada Aadan Cadde.

Mogadishu ,05, September 2007 (HornAfrik Media)Qaar ka mida askarta ciidamada xukuumada federaalka ayaa caawo goor horle fariiso hore ka dhigtay goobo ku yaala wadadaasi Aadan Cadde oo iyadu aan sidaasi uga fogeen S/Bakaaraha ee Muqdisho.

 

Ciidamadaasi ayaa dagay baro ay mid yihiin xaruntii hore ee xanaanada caruurta iyo hooygii nabadeynta ee degmadaasi W/dhiigley ee gobolkani Banaadir.

 

Askartaasi ayaa sida la sheegay waxa ay isugu jiraan ciidamada militaarka iyo kuwa booliska ee dowlada Soomaaliya.

 

Saraakiisha ciidamadaasi halkaasi la soo dhoobay ayaa ku amray dadka deegaanka in ay isaga baxaan goobaha ku teedsan fariisimo ciidameedka ay sameysteen.

 

Ilaa iyo iminkana lama oga sababaha keenay soo dagistooda halkaasi, balse waxaa la arkayay dadka deegaanka oo durbaba ka carayaya xaafadahooda si ay uga nabad galaan suura galnimada dagaal hubeysan oo ka qarxa degmadaasi.

 

Arintaan ayaa soo baxaysa saacado ka dib xili saaka ay suuqaasi ugu weyn caasimada Soomaaliya ee Bakaaraha uu ku waa bariistay rabshado hubeysan oo ay kula jarmaadeen cutubyo ka tirsan ciidamada booliska dowlada federaalka iyo rag hubeysan oo lagu tuhmayo in ay gacan saar la lee yihiin kooxaha ka soo horjeeda xukuumada KMG iyo joogitaanka ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliska Ciidamada Booliska Dowladda oo ka warbixiyay Iska Hor imaadyadii saaka

 

Taliska Ciidanka Booliska Dowladda ayaa ka warbixiyay Iska hor imaadkii cuslaa ee saaka ka dhacay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha.

 

Afhayeen u hadlay Ciidamada Booliska ayaa sheegay in howl galka Ciidamada Booliska uu ahaa mid ay ku baadigoobayeen kooxo uu ku sheegay in ay ka mid ahaayeen kuwa weerarada ka dambeeya.

 

C/waaxid Maxamed Xuseen ayaa xusay in guri ay deganaayeen kooxaha dadka dila ay howl gal ka fuliyeen, kaasoo uu sheegay in ay waxna ku soo qab qabteen qaarna ay ku dileen.

 

Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda markii saakay ay ku dhowaadeen gurigaasi ay kala kulmeen iska caabin kooxo hubeysan oo adeegsanayay bambaanooyin.

 

Laakiin waxa uu meesha ka saaray in ay jirto qasaaro soo gaaray Ciidamada, isagoo tilmaamay in ay cagta mariyeen kooxihii hubeysnaa ee ku jiray Halkaas.

 

Dhanka Kale Afhayeenka ayaa xusay in Ciidamada Dowladda ay wali baadi goob ugu jiraan kooxo kale oo uu sheegay in ay qoryihii iska dhigeen, kuwaasoo shacabka ku dhex dhuuntay sida uu hadalka u dhigaye.

 

Iska Hor imaadkii saaka ka dhacay Suuqa Bakaaraha ayaa ahaa mid saameyn weyn ku yeeshay isu socodka qeybo badan ee Magaalada iyo ganacsigaba, inkastoo markii dambe ay iska hor imaadka soo galeen Ciidamo Ethiopian ah oo kaabaya kuwa Dowladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Suuqa wayn ee bakaaraha oo maalintii labadaad ay ciidamada dawladu kawadaan hawlgalo lagu ugaarsanayo taageerayaasha kooxda asmara.

 

Ciidamada booliska somaliyeed oo ay kaabayaan kuwa military-ga somalia ayaa siwayn saaka baaritaano uga wada dhamaan gudaha iyo dibada suuqa wayn ee bakaaraha kadib markii shalay ay cagta mariyeen kooxo qawlaysato ah oo weeraro ka fulin jiray gudaha suuqa bakaarah.

 

 

Dhamaan wadooyinka soo gala suuqa bakaaraha sida isgoyska Aadan Cadde,kan Carwo Idka, wadada isku xirta Baar Ubax iyo H/wadaag iyo sidoo kale Igsoyska Bakaaraha iyo wadooyin kale oo ku teedsan suuqa wayn ee bakaaraha.

 

Ciidamada dawlada ayaa u diidaya saaka dadwaynuhu inay galaan suuqa wayn ee bakaaraha sababo lagu macneeyay baaritaano ka socda gudaha suuqa si loo xaqiijiyo amaanka suuqa.

 

Ciidamada dawlada ayaa sidoo kale maanta xiray wadooyin badan oo muhiim u ah amaanka caasumada sida wadada wadnaha oo ah wadada ugu muhiiibsan guud ahaan wadooyinka magaalada muqdisho iyadoo ay xiran yihiin inta adan wadooyinka muqdisho.

 

Hawlgaladan ayaa ku soo aadaya xili ay magaalada muqdisho shalay ka dhaceen shaqaaqooyin dhexmaray ciidamada dawlada iyo kooxo argagixiso ah kuwaasoo ka qawlaysta gudaha magaalada muqdisho.

 

Maaha markii ugu horaysay oo ciidamada dawladu ay hawlgalo baaritaan ka fuliyaan magaalada muqdisho walow hawlgaladii ugu dambeeyay ay natiijo wanaagsan keeneen sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada booliska iyo kuwa militaryguba.

 

Allmudug.org muqdisho reporter.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo tiro badan oo Amar Qaata Dowladda Federaalka oo maalintii labaad ku sugan Gudaha Suuqa Bakaaraha

 

Khamiis, September 06, 2007(HOL): Ciidamo tiro badan oo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalintii labaad waxay ku sugan yihiin gudaha Suuqa Bakaaraha, iyadoo Suuqaasna aysan ka jirin wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah.

 

 

 

Waddo kasta oo gasha Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa jooga Ciidamo Mileteri iyo Boolis isugu jira, kuwaasi oo dadka u diidaya in ay gudaha u galaan Suuqa Bakaaraha, iyadoo mararka qaarkoodna ay dhacdo in dadka ay rasaas ku kala eryaan marka ay damcaan in ay ka gudbaan waddooyinka ay Ciidamadu joogaan.

 

 

 

Waddooyinka ay Ciidamada Dowladda Federaalka ku sugan yihiin ee aan laga geli karin Suuqa Bakaaraha waxaa ka mid ah Waddada Koowaad oo isku xirta Isgoysyada Howl-Wadaag iyo Baar Ubax iyo Wadada labaad oo iyadana isku xirta Isgosyada Aadan Cadde iyo Carwo Idko.

 

 

 

Xaaladda Suuqa Bakaaraha ayaa mar kale waxay noqotay mid cakiran, waxaana gebi ahaan istaagay ganacsigii Suuqaas ka socon jiray, iyadoo taasina ay sii adkeysay nolosha dad badan oo manaafacaadsan jiray wixii ay ka soo xoogsadaan goobaha Shaqo ee ku yaala Suuqaas.

 

 

 

Shaqo joojinta saaran Suuqa Bakaaraha ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo Dadka ku dhaqan Gobollada Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ay u diyaar-garoobayaan Bisha Barakeysan ee Ramadaan, isla markaana ay soo iibsanayeen Raashinkii ay isticmaali lahaayeen Bishaas.

 

 

 

Waa Markii labaad oo uu Suuqa Bakaaraha noqdo meel ay Ciidamo ka taliyaan tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu noqday Suuq ay Soomaaliya oo dhan ku xiran tahay, wuxuuna dhawaan soo maray 18 maalmood oo Qaraxyo iyo iska hor-imaadyo ay ka dhacayeen kadib markii ay gudaha Suuqa isku haleeleen Dhalinyaro Bambooyin tuura Ciidamada Dowladda Federaalka.

 

 

 

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa waxay ku baaqayaan in la joojiyo iska hor-imaadyada ka dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxaha ka soo horjeeda, wuxuuna Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) uu caddeeyay in haddii aan la joojin iska hor-imaadyada Suuqa ka dhacaya ay taasi keeni doonto in Suuqa lagu kala guuro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this