Sign in to follow this  
Deeq A.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay go’aanka Trump ee ka dhanka ah Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Trump-2-scaled.jpg?fit=2560%2C1841&ssl=1

Washington (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay go’aanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo haatan qorsheynaya inuu soo rogo xayiraado safar oo ballaaran, taasoo saameyn doonta muwaadiniinta dalal badan oo ay ku jirto Soomaaliya, sida laga soo xigtay ilo-wareedyo xog-ogaal u ah arrinta iyo warqad ay aragtay wakaaladda wararka Reuters.

Warqadda ayaa xustay in 41 dal loo kala saaray saddex qaybood.

  • Kooxda koowaad, oo ka kooban 10 dal—Afghanistan, Cuba, Iran, Libya, North Korea Somalia, Sudan, Syria, Venezuela iyo Yemen—ayaa lagu wadaa in gebi ahaanba laga joojiyo bixinta fiisaha.
  • Kooxda labaad, oo ka kooban 5 dal—Eritrea, Haiti, Laos, Myanmar iyo Koonfurta Suudaan—ayaa la filayaa inay wajahaan xayiraado qayb ahaan ah, taasoo saameyn doonta fiisayaasha dalxiiska, ardayda, iyo kuwa socdaalka, inkastoo ay jiri doonaan wax ka reeban.

Kooxda saddexaad, oo ay ka mid yihiin 26 dal sida Angola, Antigua and Barbuda, Belarus, Benin, Bhutan, Burkina Faso, Cabo Verde, Cambodia, Cameroon, Chad, Democratic Republic of the Congo, Dominica, Equatorial Guinea, Gambia, Liberia, Malawi, Mauritania, Pakistan, Republic of the Congo, Saint Kitts and Nevis, Saint Lucia, Sao Tome and Principe, Sierra Leone, East Timor iyo Turkmenistan. Dalalkan ayaa la tilmaamay inay wajihi doonaan xayiraad qayb ah oo lagu joojin karo bixinta fiisaha Mareykanka, haddii dowladahooda aysan 60 maalmood gudahood wax ka qaban “ciladaha la xiriira habraacyada baaritaanka iyo amniga.”

Mas’uul Mareykan ah oo codsaday in magaciisa aan la shaacin ayaa sheegay in liiskan uu isbeddel ku imaan karo, isla markaana uusan weli helin oggolaanshaha maamulka, oo ay ku jiraan Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio.

Tallaabadan waxay dib u soo nooleynaysaa xayiraaddii safarka ee uu Madaxweyne Donald Trump hore ugu soo rogay toddobo dal oo Muslimiin u badan intii lagu jiray xukunkiisii ugu horreeyay, taasoo marar badan la beddelay ka hor inta aysan Maxkamadda Sare ansixin sanadkii 2018.

Haddaba sidee looga fal-celiyay go’aanka TRUMP ee saameynaya Soomaaliya?

Yaasir Yoonis Muuse “Eber miyaa eber miyaa Lottery-ga sugeyney ilaashaneyney eber miyaa?”

Sadiiq Khaan Cali “Isagana Soomaaliya inuu soo galo halaga mamnuuco fitna aan isaga aheyn dalkeena ma heysato ee isagana hala bixiyo”.

Saacid Xirsi “car sheeg wadan uu Mareykan dhisay? ama uu xasiloni ka abuuray ma jiro?”

Maxamed Shire Aadan “Mareykanka isaga oo baati ka jilicsan ayuu Soomaaliya hoos imaan doonaa, haddi ay isku tashato”.

Sharmaarke Cabdullahi Xasan “Alxamdulilaah waaye haddi nalala qabo kaligeen ceeb ah”.

Cabdirashiid Maxamed Cabdullahi “Isku darajo maaha xataa Soomaaliya waxay ugu jirtaa khadka cas”.

The post Fal-celin xooggan oo ka dhalatay go’aanka Trump ee ka dhanka ah Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this