MoonLight1 Posted June 17, 2009 31 ka mida Fanaaniinta ugu caansan Magaaladda Mogadishu isuguna jira Abwaano,Mulaxaamiist ayaal iyo fanaaniinta heesaha qaado ayaa lagu wadaa inay u ambabaxaan caasimadda Maamul goboleedka Puntland ee Garowe sida ay Waagacusub u sheegeen. Listen Radio1 Radio2 Radio3 Radio4 Radio5 Radio6 Radio7 Radio8 Radio9 Fanaaniintaan oo ay ka mid yihiin Mulaxamiiste Cabdi Kariim Jiir,Baroow,Xeeboow, Surqa yareey,Cabdi Tahliil Warsame,Maxamed Aadan Shamuuri,Abwaan Fareey waxay Puntland balanqaaday inay siineeyso mushaar iyo degaano ay ku noolaadaan maadama Caasimadda Mogadishu ay colaada ku dhex nool yihiin. " Jibouti ayaan ka helnay Martigelinta Fanaaniinta oo waxay noo balanqaadeen inay daryeel noo sameeynayaan hasse yeeshee Maamul goboleedka Puntland ayaa ka soo hormaray waxayna sheegeen in mar hadii aan nahay Fanaaniintii Qaranka Somalia,caasimadiina colaado ka jiraan ay haboon tahay inaan u wareegno Garowe si ku meel gaara"ayuu yiri Fanaan Baroow oo la hadlay Waagacusub. 31-ka Fanaan ee Mogadishu uga baxaya amaan xumida ayaa hore ugu baaqay in laga dhex qaado Colaada ay kula dhex nool yihiin labo garab oo colaadeed,waxaa kale oo ay isku dhaceen Wasiirka Warfaafinta ee dowladda Federalka Mr Farxaan Ali Gaban oo ay dacwada ka dhana u gudbiyeen Ra'isulwasaaraha. waagacusub.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
MoonLight1 Posted June 17, 2009 Muqdisho lagu kala dareer wallee, ma saasa u danbeysay caasimadeenii. ilaahow na badbaadi. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ameer Posted June 17, 2009 Waagacusub is on Alshabaab wanted list Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 17, 2009 Any Somali who wants to live in peace hasa right to reside in Puntland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted June 17, 2009 Waagacusub oo marar badan wuxuu rabo iska qora! Quote Share this post Link to post Share on other sites