Deeq A. Posted 11 hours ago WAREEGTO: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr.Xuseen Bashiir Xirsi ayaa Wareegto ku amray in cusbitaalada gaarka loo leeyahay ay si lacag la’aan ah ugu adeegaan Askariga yimaada goobahooda ee dhaawac soo gaadhay isaga oo qarankiisa difaacaya. Sidoo kale wasiirka ayaa dhakhaatiirta takhasuska sare leh ugu baaqay in xiliyadda gurmadka deg dega ah looga baahdo ay yimaadaan Xarumaha Caafimaad ee dawliga ah. Halkan ka akhriso wareegtada Wasiirka. Allaha mahad leh Abdishakuor Faahiye Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites