Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo faah-faahisay duqeynta JILIB iyo bartilmaameedka

Recommended Posts

Deeq A.   
Duqeyn.jpg?fit=800%2C485&ssl=1

Muqdisho (Caasimadda Online) – War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu faahfaahiyay duqeyn saacado badan qaatay oo xalay iyo illaa maanta ka dhacday gudaha degmada Jilib ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe, taas oo lala beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta oo ahayd bartilmaameed ayaa waxaa si gaar ah loogu garaacay xarunta degmada, xarunta waxa ay ugu yeeraan jabhadaha, labo xarun oo ay ku samayn jireen tababarada iyo qaraxyada iyo labo guri oo ay daganaayeen Horjooge Xasan Yacquub iyo Horjooge Amiin, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in la burburiyay dhammaan xarumahaasi, sidoo kalena lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro badan oo ka tirsanaa kooxaha argagixisada, waxaana dowladda Soomaaliya ay intaasi kusii dartay in haatan ay waddo tirakoob.

Dhinaca kale howlgallo kale oo dhanka cirka ahaa iyana ka dhacay gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu burburiyay fariisimihii ugu muhiimsanaa ee cadowga Khawaarijta ah oo ay ku lahaayeen deegaanka Ceelbacad ee ku yaalla xadka gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud iyo deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida lagu caddeeyay bayaanka goordhoweyd kasoo baxay dowladda.

Nuqul kamid ah warsaxaafadeedkan waxaa sidoo kale digniin culus loogu diray shacabka weli dhex deggan Al-Shabaab oo loogu baaqay inay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan xubnaha kooxda, maadaama lagu hayo duqeymo joogta ah.

“Digniin, Dowladda Soomaaliya waxay uga digaysaa shacabka Soomaaliyeed ee sugan goobaha Khawaarijtu ku dhuumaalaysanayaan inay u dhowaadaan xarumaha Khawaarijta ama goobaha ay joogaan cadowgu, maadaama Khawaarijta lagu beegsanayo goob kasta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka wasaaradda warfaafinta.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:-

Howlgal aad loo qorsheeyay oo ay sameeyeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa lagu bartilmaameedsaday xarumo muhiim ah oo Khawaarijta ay ku lahaayeen magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, kuwaas oo kala ah, xarunta degmada, xarunta waxa ay ugu yeeraan jabhadaha, labo xarun oo ay ku samayn jireen tababarada iyo qaraxyada iyo labo guri oo ay daganaayeen Horjooge Xasan Yacquub iyo Horjooge Amiin.

Howlgalkaan ayaa waxaa lagu burburiyay dhammaan goobaha la beegsaday, waxaana jira khasaaro xoog leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo la gaarsiiyay maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha cadowga, kuwaas oo wali dowladdu ay ku wado tirokoob.

Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa howlgallo kale oo bartilmaameed ah waxay ku burburiyeen fariisimihii ugu muhiimsanaa cadowga Khawaarijta ah oo ay ku lahaayeen deegaanka Ceelbacad ee ku yaala xadka gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud iyo deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka iyo geesiyaasha shacabka Soomaaliyeed waxaa ka go’an xoojinta dagaalka jihaadka ah ee ka dhanka ah Khawaarijta inta ay joogaan taako ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.

Digniin, Dowladda Soomaaliya waxay uga digaysaa shacabka Soomaaliyeed ee sugan goobaha Khawaarijtu ku dhuumaalaysanayaan inay u dhowaadaan xarumaha Khawaarijta ama goobaha ay joogaan cadowgu, maadaama Khawaarijta lagu beegsanayo goob kasta.

485183801_1160704132762858_5377384705963

The post DF oo faah-faahisay duqeynta JILIB iyo bartilmaameedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this