Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisadda siyaasadeed oo ka sii dartay kadib tallaabadii uu qaaday Aadan Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   
Aadan-Madoobe-scaled.jpg?fit=2560%2C1707

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan kasii dartay, kadib tallaabadii uu shalay qaaday guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe, oo soo saaray warqad uu ku eryay Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in Xildhibaan Abiib uu lumiyay xubinimadiisii Golaha Shacabka, sababo la xiriira inuu soo xaadiri waayay laba fadhi oo xiriir ah oo uu yeeshay baarlamaanka Soomaaliya.

“Haddaba Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib ma uusan soo xaadirin Golaha Shacabka in ka badan laba fadhi oo xiriir ah, mana soo gudbin sabab macquul ah oo ku saabsan maqnaanshihiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha.

Waxaa intaas lagu daray: “Sidaas darteed wuxuu lumiyay xubinimadiisii Golaha Shacabka si waafaqsan qodobka 59-aad, faqradiisa (d), iyo qodobka 8-aad faqradiisa (4) ee xeer hoosaadka Golaha Shacabka.”

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale faray in si degdeg ah loo soo buuxiyo kursigan oo tirsigiisu yahay HOP#201, kaas oo deegaan-doorashadiisu tahay gobollada waqooyi (Somaliland).

Intaas kadib arrintan ayaa dhalisay buuq wayn oo hareeyay baarlamaanka dhexdiisa, waxaana ka horyimid xildhibaanno badan oo sharci darro ku tilmaamay go’aanka Sheekh Aadan Madoobe ee ka dhanka ah Xildhibaan Cabdullahi Xaashi Abiib.

Xildhibaanno kor dhaafaya illaa 100 mudane ayaa soo saaray warqad jawaab ah oo ay ku caddeeyeen mowqifkooda, kuna sheegeen in tallaabada guddoomiyaha ay ka hor imaaneyso dastuurka iyo xeer hoosaadka u degsan golaha shacabka Soomaaliya.

Dhinaca kale, xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle Tv ayaa sheegay in arrinta dhacday ay uga sii dareyso xaaladda uu waddanka ku jiro, isaga oo guddoomiyaha baarlamaanka ku eedeeyay inuu ku kacay khaladaad waa wayn.

“Guddoomiyuhu wuxuu galay khaladaad waa wayn oo ku saabsan in maanta oo uu dalka xaaladdiisa meesha ay mareyso qof weliba uu ogyahay ayuu buuq siyaasadeed sii furay,” ayuu wareysiga ku yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in go’aanka uu soo saaray guddoonka uu yahay sharci darro, loona baahan yahay inuu ilaaliyo dastuurka iyo xeer hoosaadka u yaalla golaha shacabka.

“Guddoomiyuhu xaq uma lahan inuu warqad qoraa oo xildhibaan isaga lamid ah uu go’aan ka gaaraa, marka waa arrin sharci darro ah,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Waxaa leenahay guddoomiyaha waa inuu usoo laabtaa sharciga, laguna kala baxaa xeer hoosaadka golaha iyo dastuurka qaranka”.

The post Xiisadda siyaasadeed oo ka sii dartay kadib tallaabadii uu qaaday Aadan Madoobe appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this