Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: NRC DAY 3 starts well ends well

Recommended Posts

12.jpg

 

Muqdisho: Shirka dib u heshiisiinta oo goor dhow ka furmay Muqdisho

21. July 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Waxaa saakay mar kale dib u furmay shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed iyadoo ergooyinka beelaha ay dhamaan ka soo qeybgaleen furitaanka wajigii sadaxaad ee shirka waxaana saakay ku soo biiray wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayey Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ah Imaamka beelaha.

 

Qodobada maanta lagu falanqeyn doonaa 11 qodob oo maalintii Khamiista Guddiga soo gudbiyay waxaana dooda ugu culus ay maanta ka dhalaneysaa labo qodob oo kala ah ka doodista xagjirnimada Diineed kaasoo ah qodob xasaasi ah iyo qodobka kale ee Baaq taageero oo shirka laga soo saarayo maanta iyo qodobo kale.

 

Jawiga uu maanta ku furmay shirka ayaa ah mid degan iyadoo ergooyinka shirka ay maanta sidoo kale si weyn ugu hadli doonaan hub ka dhigista iyo hanti isu celinta qodobadaasi ayaa sidoo kale laga cabsi qabaa in muran uu ka dhasho iyadoo qodonka hanti isu celinta ay tahay qodobka xiligan loo baahan yahay in la wajaho. Wixii ku soo kordha arrimaha shirka wararkeena danbe ayaa idinkugu soo gudbin doonaa hadii Alle Idmo

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ergada shirka dib u hishiisiinta beelaha Soomaaliyeed oo kulankooda maanta kaga doodayo 11-ka qodob ee ajandaha shirka.

 

July -21-2007-HornAfrik, Mogadishu. .

 

Ergada ka qeyb galeysa shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ayaa maanta lagu wadaa in ay ka doodaan ajnadaha 11-ka qodob ee dhawaan la soo bandhigay .

 

Ergada oo qodobadaani loo qeybiyay maalintii shalay ayaa haystay muddo maalin ah oo ay uga soo darsayeen qodobadaani, iyadoo lagu war giliyay in ay fikrado ku soo kordhiyaan ama ay ka dhimeen karan.

 

Qodobadaani maanta laga doodayo ayaa waxaa ka mid ah

 

1.S o saarrida baaqa lagu taageerayo shirweynaha dib u heshiisiinta soomaaliyeed.

 

2.la kulanka ergadda madaxda sare ee qaranka.

 

3-ka doodida nabadgalyada dalka iyo hub iska dhigida

 

4.kala doodida iyo xalinta qilaafaadka beelaha Soomaaliyeed.

 

5.ka doodidda hanti isu celinta.

 

6.ka doodidda dowladda-wanaaga,dimoqoraadiyada,axdiga qaranka,tirakoobka dadka abuurista asxaab iyo doorasho xor ah 2009-ka

 

7-ka doodida qeybsiga qiiraadka dalka iyo dhowri taanka qeybsiga awooda sida ku qeexan axdiga KMG ah.

 

8-ka doodida midnimada soomaaliyeed.

 

9-ka doodida xagjirnimada diineed.

 

10-qiimeynta iyo ka guulgaariddad qodobadii laga dooday.

 

11-ka codsiga dowladda fadaraalka soomaaliya iyo bulshada caalamka taageero dhinac kasta leh ee dib u dhiska soomaaliya

 

waxaana haatan si weyn loo adkeeyay amaanka goobta shirka uu ka dhacayo , iyadoo amaanka la xoojinayo ayaa waxaa hadana jira weerarao hoobiyaal oo lagu soo qaaday goobta uu shirka u ka dhacayo.

 

Weerar hoobiyaal oo lagu qaaday daraad goobta shirka ayaa waxa uu ku dhacay meel u dhaw xarunta , waxaana ku geeriyooday ilaa lex caruur oo laba qoys ka soo jeeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkii dib u heshiisiinta Qaran ee Beelaha Soomaalida oo maanta mar kale dib uga Furmay xaruntii gaadiidka Booliska.

 

Shirkii beelaha Soomaalida oo maalinkii khamiista ahaa ka furmay magaalada muqdisho gaar ahaan xaruntii gaadiidka Boliska ayaa waxaa inta badan xubnaha kulnkaa ka qayb galaysa ay maanta soo gudbiyeen ajandaha ay dooda u saabsan tahay.

 

Shi guddoonka shirkaa ayaa waxaa uu xibnaha gaaraya ilaa 1300 o ergay usoo gudbiyay sharci ahaanshada gudoonnka shirka uu soo magacaabay madaweynaha dowlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya C/laahi ysuusufa Axmed kaa oo gudoomiye looga dhigay Cali Mahdi Maxamed iyadoo ayna xubnaha ka qayb galaya shirkaa ay cod buuxa ku ogol;adeen in shir gudoonka uu ansax yahay.

 

Shirka beelah Soomalida ayaa waxaa maanta ka qayb galay Imaamka Guud ee belah Hiraab Imaan Maxamuud Imaan Cumar iyo Kooxo odoyaal dhaqmeed ah.iyadoo maalimihi la sooi dhaafay uu ka biyo diidanaa ka qayb galka Shirkaa.

Ergada maanta ka qayb galaysa ayaa waxaa ay maanta ka doodeen qodobka la xiriira waxa loogu yeeray Xagjirnimada.

 

Kulankaan ayaa waxaa xagga amanka ah sugidiisa ka qayb qaadanaya ciidamad dwolada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya iyo kuwa itopobiya iyadoo wadooyinka soo gala halka uu shirka ka dhacayana waxaa lagu gooyay Fuustooyin aad u waa wayn.

 

Maalinkii khamiista ayaa waxaa dagaano kudhow ay kus ooo dhaceen ilaa 6 hoobiye kuwaa oo gaystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Maxamed Cali jaaked

 

Madaxa wararka dhahar

 

Muqdisho_somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warbixin shirkii Muqdisho

21 Jul 21, 2007 - 5:42:01 AM

 

Waxaa maanta mar kale maalintii sadaxaad dib la isugu soo laabtay shirweynihii dib u heshiisiinta beelaha Somaliyed ee 15-kii bishan ka fumay Muqdisho iyadoo maantana ay ka soo qeybgaleen ergooyin soo gaaray Muqdisho furitaankii shirka kadib.

 

11 qodob oo ajende KMG ah oo loo qeybiyay ergooyinka ka qeybgalaya shirka ayaa maanta qodobkiisii ugu horeeyay dood iyo falanqeyn dheer kadib ay isku raaceen in baaq taageero ah ay ergada shirka kasoo jeediyeen kaasoo ahaa in shirku yahay mid ay u dhan yihiin qeybaha Soomaaliyeed isla markaana uu yahay mid natiijadii ka soo baxda la wada aqoonsan yahay

xaeuntii shirka maanta ka furmey

Dhinaca kale Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada Md. Cali Mahdi Maxamed ayaa isagana ergooyinkii ka qyebgalayey shirka soo hordhigay in guddigiisa ay u cadeeyaan inuu sii wado shirka iyo ergooyinka doortaan Guddoon cusub, qodobkaasi oo ahaa mid xasaasi ah ayey dhamaan ergooyinkii ka soo qeybgalay shirka ay isku raaceen in la soo goobo aftida oo laga dhigo gacan taag iyo sacab kuwaasoo dhamaantood isku raacay in guddiga uu horkacayo Md. Cali Mahdi ay sii wadaan shir guddoonka shirka.

 

Qodobka labaad ee horyaalay ergooyinka ayaa ahaa la kulanka madaxda sare ee dowladda hase yeeshee uu shir guddoonka soo bandhigay in ergada oo aad u badan awgeed ay min lix xubnood iska soo xulaan beelaha ka qeybgalaya shirka taasoo ay iyaduna ansixiyeen oo la isku raacay in berito xubnahaasi ay iska soo xulaan beelaha.

 

Waxaa kaloo muhiimada lahaa qodobka sadaxad oo ahaa xalinta khilaafaadka beelaha Soomaaliyeed dhexdooda ahaa taasoo isna lagu balamay in la guda galo maalinta beri ah iyadoo beeluhu ay si gooni gooni ah u sii yeelanayaan kulamo ilaa maalinta beri ah.

 

Intii lagu guda jiray kulankaasi maanta ayaa waxaa qadar saacado ah shirka ka baxay ergooyinkii ka socday beelaha Digil iyo Mirifle kuwaasoo goob ka baxsan madasha shirka uu ugu daba tegay Md. Cali Mahdi Maxamed kaasoo kulan yar uu la yeeshay kadib ay suuragashay iney dib ugu soo laabtaan ergooyinkasi madasha shirka kuwaas oo khilaafkooda u muuqday mid iyaga dhexdooda ah.

 

Afhayeenka beelaha BAY & BAKOOL Md. Ibrahim Macallin Kutub oo khilaafkasi xalintiisa kadib ugu waramay Garowe Online ayaa sheegay in ay ergooyinka dhamaantood ay taageersan yihiin beelaha Digil iyo Mirifle furitaanka Shirka isla markaana ay aqoonsan yihiin natiijada kasoo baxda shirka.

 

Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ah Imaamka oo gabagabadii kulankaasi hadal qiiro leh ka soo jeediyay ayaa sheegay in shirkaani uu yahay midkii ay dadka Soomaaliyeed ku gaari lahaayeen heshiis buuxa oo ka saara dhibaatada maanta ay ku jiraan isagoo ugu duceeyay dhamaan inta shirkanai soo qaban qaabisay, inta ka soo qeybgashay iyo inta taageersan in Ilaahey qeyrka waafijiyo isagoo kuwa ka maqana uu sheegay inuusan habaareyn balse uu iyagana in Ilaahey qalbigooda qeyr ku shubo.

 

Gabagabadii kulanka maanta ayaa ku soo gabagabooway si saraxad leh iyadoo aaney dhicin wax caqabad ah oo ka duwan sidii maalmihii hore oo intii uu socday shirkaasi lala soo beegsaday deegaano ku dhow dhow madasha shirka hoobiyeyaal khasaaro u geystay dad rayid ah oo aan waxba galabsan taasoo maanta loo aaneeyay iney ka danbeysay kadib markii goobihii lagu tuhmayey in laga soo tuuro hoobiyeyaashaasi ay si xoogan baaritaano iyo howlgalo ugu wadeen ciidamada dowladda.

 

Cali Muxiyaddiin Cali,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Kulankii ergooyinka beelaha oo maanta laga soo saaray qodobo muhiim ah

21. July 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)-Ergooyinkii ka qeybgalayey shirweynihii beelaha Soomaaliyeed oo maalintii sadaxaad ka furmay xarunta Gaadiidka Booliska ayaa maanta looga dooday qodobo ka mid ah 11-kii qodob ee ahaa ajandaha loo qeybiyay ka soo qeybgalayaasha shirka.

 

Ergooyinka ayaa maanta ansixiyay oo isku raacay in qodobka koowaad oo ahaa baaq taageero oo ay ergada shirka ka soo qeybgaleysa ka soo saarayaan kaasoo ah in shirka uu yahay mid muhiim u ah shacbiga Soomaaliyeed isla markaana ay ku baaqayaan in la aqoonsado natiijada ka soo baxda kulankan taariikhiga ah.

 

Qodob kale ee laga dooday ayaa ahaa la kulanka madaxda sare ee dowladda iyadoo shir gudddoonka shirka Md. Cali Mahdi Maxamed uu ergooyinka ka codsaday iney iska soo xulaan min lix xubnood oo ka kala socda beelaha bacdamaa ay aad u tiro badan yihiin ergooyinka, taasoo ay aqbaleen ergooyinka iyagoo sheegay iney sida ugu dhaqsiyaha badan isaga soo xuli doonaan beri.

 

Dhinca kale Md. Cali Mahdi Maxamed ayaa ergooyinka soo hordhigay mooshin ah in ay sii wadayaan isaga iyo guddigiisa shir guddoonka shirka iyo in ay dooranayaan guddi cusub taaaso keentay in ka qeybgalayaasha shirka ay sawaxan iyo sacab iyo cimaamad lulid ku soo dhoweeyeen kuna aqbaleen in guddigaasi horay u sii wado guddoonka shirka.

 

Ugu danbeyntii waxaa uu maanta shirka dib u heshiisiinta uu ku soo gabagabooway jawi deganaansho iyadoo kulamadii hore ay ku dhamaanayeen cabsi iyo argagax la xiriiray hoobiyeyaal ku soo dhacayey nawaaxiga goobta.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkii dib u heshiisiinta Beelaha oo maanta mar kale la sii amba qaaday

{ 21 Jul 2007}

 

waxaa la daabacay Sat 21 Jul 2007 10: 01: 56

Waxaa maanta mar kale maalintii sadaxaad dib la isugu soo laabtay shirweynihii dib u heshiisiinta beelaha Somaliyed ee 15-kii bishan ka fumay Muqdisho iyadoo maantana ay ka soo qeybgaleen ergooyin soo gaaray Muqdisho furitaankii shirka kadib.

11 qodob oo ajende KMG ah oo loo qeybiyay ergooyinka ka qeybgalaya shirka ayaa maanta qodobkiisii ugu horeeyay dood iyo falanqeyn dheer kadib ay isku raaceen in baaq taageero ah ay ergada shirka kasoo jeediyeen kaasoo ahaa in shirku yahay mid ay u dhan yihiin qeybaha Soomaaliyeed isla markaana uu yahay mid natiijadii ka soo baxda la wada aqoonsan yahay

 

 

Dhinaca kale Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada Md. Cali Mahdi Maxamed ayaa isagana ergooyinkii ka qyebgalayey shirka soo hordhigay in guddigiisa ay u cadeeyaan inuu sii wado shirka iyo ergooyinka doortaan Guddoon cusub, qodobkaasi oo ahaa mid xasaasi ah ayey dhamaan ergooyinkii ka soo qeybgalay shirka ay isku raaceen in la soo goobo aftida oo laga dhigo gacan taag iyo sacab kuwaasoo dhamaantood isku raacay in guddiga uu horkacayo Md. Cali Mahdi ay sii wadaan shir guddoonka shirka.

 

Qodobka labaad ee horyaalay ergooyinka ayaa ahaa la kulanka madaxda sare ee dowladda hase yeeshee uu shir guddoonka soo bandhigay in ergada oo aad u badan awgeed ay min lix xubnood iska soo xulaan beelaha ka qeybgalaya shirka taasoo ay iyaduna ansixiyeen oo la isku raacay in berito xubnahaasi ay iska soo xulaan beelaha.

 

Waxaa kaloo muhiimada lahaa qodobka sadaxad oo ahaa xalinta khilaafaadka beelaha Soomaaliyeed dhexdooda ahaa taasoo isna lagu balamay in la guda galo maalinta beri ah iyadoo beeluhu ay si gooni gooni ah u sii yeelanayaan kulamo ilaa maalinta beri ah.

Intii lagu guda jiray kulankaasi maanta ayaa waxaa qadar saacado ah shirka ka baxay ergooyinkii ka socday beelaha kuwaasoo goob ka baxsan madasha shirka uu ugu daba tegay Md. Cali Mahdi Maxamed kaasoo kulan yar uu la yeeshay kadib ay suuragashay iney dib ugu soo laabtaan ergooyinkasi madasha shirka kuwaas oo khilaafkooda u muuqday mid iyaga dhexdooda ah.

 

Afhayeenka beelaha Md. Ibrahim Macallin Kutub oo khilaafkasi xalintiisa kadib ugu waramay Gobolkabanaadir.com ayaa sheegay in ay ergooyinka dhamaantood ay taageersan yihiin beelaha Digil iyo Mirifle furitaanka Shirka isla markaana ay aqoonsan yihiin natiijada kasoo baxda shirka.

 

Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ah oo gabagabadii kulankaasi hadal qiiro leh ka soo jeediyay ayaa sheegay in shirkaani uu yahay midkii ay dadka Soomaaliyeed ku gaari lahaayeen heshiis buuxa oo ka saara dhibaatada maanta ay ku jiraan isagoo ugu duceeyay dhamaan inta shirkanai soo qaban qaabisay, inta ka soo qeybgashay iyo inta taageersan in Ilaahey qeyrka waafijiyo isagoo kuwa ka maqana uu sheegay inuusan habaareyn balse uu iyagana in Ilaahey qalbigooda qeyr ku shubo.

Gabagabadii kulanka maanta ayaa ku soo gabagabooway si saraxad leh iyadoo aaney dhicin wax caqabad ah oo ka duwan sidii maalmihii hore oo intii uu socday shirkaasi lala soo beegsaday deegaano ku dhow dhow madasha shirka hoobiyeyaal khasaaro u geystay dad rayid ah oo aan waxba galabsan taasoo maanta loo aaneeyay iney ka danbeysay kadib markii goobihii lagu tuhmayey in laga soo tuuro hoobiyeyaashaasi ay si xoogan baaritaano iyo howlgalo ugu wadeen ciidamada dowladda.

 

 

Gobolkabanaadir.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkii dib u heshiisiinta maanta oo lasoo xiray,iyadoo maanta Hoobiye uusan jirin.

 

{ 21 Jul 2007}

 

waxaa la daabacay Sat 21 Jul 2007 13: 27: 29

Daqiiqado kahor ayaa lasoo afmeeray kulankii 3aad ee shirka beelaha Somaliyeed kaasi oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho,iyadoona kulankii maanta uu kuwa kale uga duwanaa iyadoon wax hoobiye ah aan lagu soo beegsan madasha shirka.

 

Odayaalka beelihii aan kulamadii hore joogin ayaa kulankii maanta kasoo qeybgalay,waxaana ergada kulanka ka qeybgashay loo qeybiyay ku dhawaad 11 qodob oo ay kaga doodayaan shirka.

 

Qodobadaasi ayaa intooda badan maanta ay ka dooden xubnaha ergada ka qeybgalay shirka maanta,iyadoona uu goob joog ka ahaa gudoonka shirka dib u heshiisiinta Cali Mahdi Max'ed.

 

Sidoo kale Imaam Max'ud Imaam Cumar ayaa markii ugu horeysay shirkaasi goob joog ka aha isagoona ku hadlay dhamaan magaca ******,waxaana uu adkeeyay in muhim ay tahay in shirka si fur furnaan leh loo wado isla markaana agendayaasha shirka la meel mariyo.

 

Si kasta oo ay ahaataba kulanki maanta waxaa uu soo afjarmay iyadoo wax hoobiye ah aysan kusoo dhicin madasha shirka,waxaana ergada ka qeybgashay shirka intooda badan ay ka walaacsanaayeen arrinkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cali Mahdi oo rajo wanaagsan ka muujiyay natiijo ka soo baxda shirka dib u heshiisiinta

 

Mogadishu 22, July 07 ( Sh.M.Network) Guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta Cali Mahdi Max'ed ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in shirka uu miro dhalo.

Cali Mahdi Max'ed Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta

 

Guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta beelaha Somalida Cali Mahdi Max'ed ayaa waxa uu sheegay in kalsooni buuxda uu ka qabo in natiijo wax ku ool ah ay ka soo baxdo shirka dib u heshiisiinta qaran oo ka soconaya xaruntii hore ee gaadiidka.

 

Waxa uu sheegay in shirka uu sii socon doono isla markaana aanu jirin wax caqabado ah oo hortaagan habsamida shirka.

 

Hadalka ka soo yeeray Cali Mahdi ayaa ku soo beegmay xilli maalmihii la soo dhaafay magaalada ay ku soo qulqulayeen ergooyin ka kala socda gobolada dalka, kuwaasi oo qaarkood aan helin kaararka ka qeybgalka shirka.

 

Shirweynaha dib u heshiisiinta Beelaha oo lagu wado in maanta la isugu yimaado ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro qodob ka mid ah 11 qodob oo ergooyinka shalay ay ansixiyeen, iyadoo qodobkaasina uu yahay xalinta khilaafaadka beelaha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this