Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilkii ka qaaday Maxamed Qoone

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-1-scaled.jpg?fit=2560%2C190

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday La-taliyaha Madaxweynaha ee Xiriirka Dowlad-goboleedyada, Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone).

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) muddadii uu u soo shaqeeyay Qaranka, wuxuuna u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mar walba wuxuu ka rajeynayaa masuuliyiinta uu u magacaabo xilalka sare ee qaranka inay gacan ka geystaan horumarka iyo midnimada dalka, iyagoo waajibaadkooda u gudanaya si hufan, daacadnimo leh, isla markaana u hoggaansamaya mas’uuliyadda ka dhalata xilalka ay hayaan.

Dabayaaqadii 2022-ka ayey aheyd markii madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay Maxamuud ayaa Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) inuu noqdo La-taliyaha Madaxweynaha ee Xiriirka Dowlad-goboleedyada.

Qoone ayaa horey u ahaan jirey Xildhibaan, waxaana uu ka soo galay baarlamaanka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee maamulka HirShabelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay magacaabay la-taliyeyaal badan, oo mararka qaarkood lagu wareerayo waxa ay qabtaan, balse dadka ku dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in magacaabistan ay tahay qancis loo sameynayo beelaha iyo maamul goboleedyada qaar, oo aysan la-taliyeyaasha wax talo ah siin madaxweynaha.

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilkii ka qaaday Maxamed Qoone appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this