Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in Mareykanka uu Muqdisho kala baxay shaqaalihiisi sababo amni?

Recommended Posts

Deeq A.   
US-Somalia-Mareykanka-Soomaaliya.jpeg?fi

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa beenisay inay shaqaalaheedii kala baxday magaalada Muqdisho, kaddib sababo amni oo soo kordhay.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo qoraal rasmi ah soo saartay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay wararka sheegaya in ay bilowday la bixista shaqaalaheeda, kaddib cabsi laga qabo halis amni oo soo fool leh Muqdisho.

“Wararkaas waa kuwo aan sal iyo raad toona lahayn oo been abuur ah,” ayey tiri safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo sheegtay in safaaraddu ay si caadi ah u shaqeynayso.

Hadalkan ayaa imanaya xilli maalintii shalay aheyd uu maamulka Puntland sheegay in Mareykanka uu la baxay diblumaasiyiintiisi Muqdisho ku sugnaa.

Wasiirka Warfaafinta ee Puntland, Maxamuud Dirir oo arrintan ka hadlay aya markaas ku sababeeyay inuu furin dagaal noqday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo kaabiga ku haya xerada Xalane oo ay degan yihiin wakiillada caalamka.

Dhinaca kale, Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa dhawaan soo saartay digniin amni, oo ay uga digtay khataro weerarro lala beegsado goobo kala duwan oo ku yaalla caasimadda, oo ay ku jirto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Waxay safaaraddu hakisay dhammaan safarrada shaqaalaheeda ilaa amar dambe, halka muwaadiniinta Mareykankana laga mamnuucay inay u safraan Muqdisho.

Sidoo kale, safaaradda ayaa markaas sheegtay in kooxaha argagixisadu ay wadaan abaabulka qaraxyo iyo weerarro, iyadoo xustay in xaaladda amniga ee Soomaaliya ay weli tahay mid aan degganeyn.

The post Maxaa ka jira in Mareykanka uu Muqdisho kala baxay shaqaalihiisi sababo amni? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this