Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda degmada Awdheegle kadib dagaalkii shalay

Recommended Posts

Deeq A.   
Danab-ciidan-ciidamo-dagaal.jpeg?fit=204

Awdheegle (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta xaalad deganaasho ah laga dareemayo degmada Awdheegle oo ay shalay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka Khawaarijta ay baabuur qaraxyo ah kusoo wareereen fariisimaha ciidamada Xoogga dalka ee ku yaalla degmadaasi, waxaana kadib sidaas ku bilowday dagaalka oo soo gaaray illaa xalay.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga, Abuukar Sheekh Maxamed oo maanta la hadlay warbaahinya  ayaa sheegay in xaaladda Awdheegle ay dagan tahay, ciidamadana ay cashir lama illaawaan ah u dhigeen maleeshiyaadkii argagixisada ee soo weeraray.

“Waxay Khawaaijta Al-Shabaab isku dayeen inay soo weeraraan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ka hortegay guutooyinka Gorgor iyo October oo is garabsanaayo, waxayna gaarsiiyeen Khawaarijta jab aad u wayn” ayuu yiri afhayeenku.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa haatan Awdheele dhooban baqtiyadooda oo ay ku indho doogsanayaan shacabka ku nool degmada Awdheegle”.

Dhanka kale, waxaa inta uu socday dagaalka Al-Shabaab u suurtagashay inay gudaha u galaan degmada Awdheegle, iyagoo u dagaalamay si aan horay loo arag.

Waxaa dagaalka sidoo kale ku dhintay Taliyihii ururka Gorgor, iyada oo is difaac badan kadib ciidamadu ay sameeyeen dib u gurasho, balse markii dambe oo ay heleen gurmad, ay ciidamadu laabteen difaacyadooda.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa la gaarsiiyay khasaare culus, waxaana goobjoogayaal ku sugan Awdheegle ay Caasimadda Online u sheegeen inay arkeen meydadka Shabaab tiro beel ah oo dagaalka lagu dilay, kuwaas oo yaalla luuq kasta.

Ugu yaraan afar muuqaal duube oo Shabaab ah ayaa la sheegay in maanta Ciidamada Dowladda ay ku dileen dagaalka Awdheegle.

Khasaaraha gaaray ciidanka waa yaraa, Maxamed Tawane Ciilow oo ahaa weriyihii ururka Gorgor ee Shabaab kula dagaalamay Awdheegle ayaan kamid ahaa askarta lagu dilay dagaalka.

Si kastaba, howlgallada ayaa sii soconayo, waxaana ujeedka dowladda uu yahay in laga hortago weerarada Al-Shabaab ee gobolka oo soo badanayay maalmihii lasoo dhaafay.

Kooxda ayaa xooggeeda isugu keentay Shabeelooyinka, iyada oo xittaa xalay iyo shalay lagu arkay deegaannada Ceelasha Biyaha, Lafoole & Xaawo Cabdi oo u dhow magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka sameeyeen dhaq-dhaqaaqyo, kadibna ay isaga laabteen.

The post Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda degmada Awdheegle kadib dagaalkii shalay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this