Deeq A. Posted 20 hours ago Reuters In ka badan 1,300 oo shaqaalaha Codka Ameerika ah (VOA) ayaa shalay fasax la geliyay, maalin kadib markii uu amar bixiyay Madaxweyne Donald Trump. Michael Abramowitz, oo ah agaasimaha VOA, ayaa sheegay in ku dhowaad shaqaalihiisa gaaraya 1,300 weriye, soo saareyaal, iyo kaaliyeyaal la geliyay fasax, taas oo wax u dhimeysa warbaahintan ku hadasha ku dhowaad 50 afaf oo Soomaaligu ku jiro. “Waxaan aad uga murugooday markii ugu horreysay muddo 83 sano ah, Voice of America waa la aamusiiyay.” Ayuu yiri Abramowitz. Waxaa jira warbaahinno kale oo uu saameeyay amarkan kasoo baxay Trump, kuwaas oo ka howlagala qaaradda Aasiya. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites