Deeq A. Posted March 16 Jlib (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo culus oo maanta iyo xalay siyaabo kala duwan uga dhacay gobollada Shabeelooyinka iyo Jubbada Dhexe, kuwaas oo lagu beegsaday kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab. Duqeynta koowaad ayaa ka dhacday deegaannada Boos Hareeri iyo Ceelbacad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, sida uu shaaciyay afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga, Abuukar Sheekh Maxamed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay furimaha hore ee dagaalka. Abuukar ayaa shaaca ka qaaday in duqeymahaasi lagu dilay saraakiil iyo maleeshiyaad ka tirsan argagixisada, sidoo kalena lagu gubay gaadiid dagaal oo ay lahayd kooxdu. Duqeynta labaad ayaa iyadana ka dhacday Shabeelaha Hoose, wuxuuna afhayeenka tilmaamay in lagu burburiyay buundo macmal ah oo ay sameysteen Al-Shabaab, isagana gudbi jireen gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe. “Waxaa duqeynta lagu burburiyay gaadiid ay wateen maleeshiyaadka Khawaarijta oo isugu jiray suugag iyo teedhi-sabano, sidaas oo kale waxaa la burburiyay buunadadii ay isaga gudbi jireen gobollada Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose” ayuu yiri Abuukar. Sidoo kale afhayeenka ayaa ka hadlay xaaladda degmada Awdheegle, wuxuuna sheegay in weli ay howlgallo kasii wadaan ciidamada Xoogga dalka oo uu tilmaamay inay jab gaarsiiyeen Shabaab, walow lasoo wariyay in xalay qayb kamida degmada ku hoydeen. Abuukar Sheekh Maxamed ayaa intaasi kusii daray in weli maydadka Al-Shabaab ay dhex daadsan yihiin gudaha Awdheegle, oo shalay ay kula dagaalameen ciidamada. Dhinaca kale, waxaa iyana duqeyn kale oo saddexaad ay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe oo ah fadhiga ugu wayn ee Al-Shabaab, waxaana xalay diyaarado dagaal ay beegsadeen bartilmaameedyo ku yaalla gudaha degmadaasi. Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo qoraal kooban soo saaray ayaa si kooban uga hadlay duqeynta Jilib, wuxuuna tilmaamay inay faah-faahinta dib ka shaacin doonaan weerarkaas cirka ah ee lagu qaaday Shabaab. “Hawlgalka ciribtirka Khawaarijtu wuxuu gaaray Jilib, faahfaahin ayaad heli doontaan insha allaah, ma jiri doonto goob iyo gabbaad nabad ah oo Khawaarij ay ka hesho gayigeenna alle edinki” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray wasiir Al-Cadaala. Duqeymahan ayaa waxaa lagu taageerayaa ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ee haatan dagaalka adag kula jiro argagixisada oo ay isku hayaan Shabeelooyinka. Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa sidoo kale looga hortegayaa qorshaha dib isku soo abaabulidda Al-Shabaab oo mar kale kusoo rogaal celisay deegaanno horay looga xoreeyay, iyadoo ujeedka duqeymaha ay yihiin in lagu cuuryaamiyo awoodooda. The post Xogta duqeymo culus oo ka dhacay Shabeelooyinka iyo JILIB appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites