Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobey oo Puntland ku bogaadisay dagaalka ciribtirka Argagixisada Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1742125014724.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan iyo wefdi uu hoggaaminayo.

Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Siciid Deni uu maanta qaabiley ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, James Swan iyo wefdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid Puntland.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa maanta qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo, Kulanka waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Puntland” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.

“Qaramada Midoobey ayaa boggaadisay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland iyo dadaalka ay Puntland ku bixisay hawlgalka qorsheysan ee Daacish looga sifeynayo buuralayda Calmiskaad, waxaa kale oo Kulanka looga hadlay Amniga Guud, Mashaariicda horumarin iyo bani’aadantinimo ee Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya” ayay sii raacisay madaxtooyada Puntland.

Halkan ka eeg Sawirada Kulanka

FB_IMG_1742124968222.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1742124978857.jpg?resize=720%2C55 FB_IMG_1742124982300.jpg?resize=720%2C56 FB_IMG_1742124994015.jpg?resize=720%2C51 FB_IMG_1742124986364.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1742124990216.jpg?resize=720%2C59 FB_IMG_1742125002149.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1742125006384.jpg?resize=720%2C54

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobey oo Puntland ku bogaadisay dagaalka ciribtirka Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this