Dhubad. Posted October 30, 2009 The ONLF folks are getting well organised! The poems, songs and the campaign all go hand in hand. I think the so called PIS and Puntland admin would had to think twice from now on before they hand an ONLF member to the enemy. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted October 30, 2009 Wiilasha ONLF u dhashay ee Boosaaso lagu bahdilay & wixii uu Faroole kayidhi maalinkii laqabqabtay Halkan ka dhagayso Heesaaga ONLF waa gartiis: Hadaad maanta dhiirantahay Beriba dhankalay martaa Dharaariba waayaheed Dhacdadu waa xaajo ugub Dulqadkuna iga dhamaa Ninkii dhiman yeelkadii Dhiishii Nabadaa Jabtoo Waxba dhowran maayee Geesigeyga la dhiibayaa.... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dhubad. Posted October 30, 2009 lol@ Muwaadiniin ma aha! Waa nin iska hadlay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted October 30, 2009 Sanadkii 1914 Ciidan lafta uu Sayidkii ka dhashay ah ,Kana tirsanaa Daraawiishta yaa kasoo duuley Illig oo waxeey mireen taliskii reer Hobyood ee Yuusuf Maxamuud, Keenadiid. Ciidankaas iyo ciidanka reer Hobyood waxaa dagaal ba'ini ku dhex maray ceelka la yidhaahdo Ina Diinle kobtaas guushii waxay ku raacday Sayidka reer tolkii iyo Daraawiishtii guud ahaan, rag badana lagaga laayey Ina keenadiid ciidankiisii, isla markaan laga qaaday wax Alaale wixii reer Hobyood geel ujoogay. Sayid Maxamed oo tilmaamaya libinta usoo hooyatay reer tolkii, isla markaana ku diganaya raggii ay dagaalka la galeen, ayaa mariyay gabaygan soo socda oo yidhi, Allaha unaxariistee: Col humeeysan hiirtii haddaan ilig ka heenseeyay Sengeyaasha haadka ah hadaan halabsanoo fuulay abaanduule haybale hadaan boqol nin hawl saaray Malag aan habaabeyn hadii nala hor qaadsiiyay Kuwii loo hammuun qabey hadaan uga hagaag yeelay Hiidda Golol hobyiyo Gaalkacayo heegankii tubaye Hadaan heel banaan ugu arumay halab dagaalkeeda Higta qumaca maaraha hanqadha hugunka baaruuda Takarkii hubeerka u ekaa haatuf uga roorye Ha yeeshee hubkana waan ka siday hanadadiisiiye Hilbahooda waatuu tukuhu haystay bahalkiiye Hawa badane reer Mahad hadaan hooyadiis kudiyay Intaan wada hogaan baray midgaha hilin ma qaadsiiyay Haasaawe layskuma xantiyo Habar duleedkeede Haadaa qabiil nimaan ahayn hadalkii waa beene Askartii hareedada xumayd ways hundo ogeeyne Heeraaga goortaan wadnaha hubuq ka siinaynay hooghoogney waatay lahayd sida haweenede Rag haday hinaasiyo col iyo hiinyo kala gaadho ama heerigaas talada guud kaga heshiin waayo In kastoo hurdubo laysku wada haayir iyo gaadmo Halo buubsashiyo tuugo waa ka humbulaataaye inay had iyo geeriyi ka dhici hubanti weeyaane waxay hibadu raacdaa ninkii hiil ilaah qaba e Haaka Allee eeboow ninkii libin hoyaadshaa leh Kolka, Faroole oo ku caanbaxay wax Islamnimada, Somalinimada iyo darisnimada ka baxsan meesha waxgaradkii, culamaa’udiinkii iyo Isamadii ay noqdeen mid ka aamusey iyo mid u hanbalyeynaya ma ku dhici doontaa tii ku dhacday Ina Kenadiid oo kale? Wax walba filo awoowe! Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted October 31, 2009 Dhubad LOL nice song there, thanks for sharing. Indeed, PIS will pay the price for their mistakes. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted November 1, 2009 Dhiishii nabadaa jabtee Waxba dhowran maayee Waaw. That is inciting. Qiiro waa jirtaa laakiin heestaan camal ma fiicno. Dadka qabiil ahaan inay u kiciso laga yaabaa. Having said that, I do like the music. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted November 2, 2009 ^Qabiil kicis ma aha, heestu waa hanjabaad ku socoto maamulada u shaqeeya xabashida ee ka jira waqooyi bari/galbeed Somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites