Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Somali Police huge demo in Mogadishu after 17 years PICS

Recommended Posts

Muqdisho: Xaflad lagu xusayo munaasabada maalinta Booliska Soomaaliyeed oo caawa ka socota Dugsiga sare ee Booliska

 

20. December 2007

Muqdisho(AllPuntland)- Xaflad si weyn loo soo agaasimay ayaa caawa ka socota xarunta Dugsiga Sare ee Booliska, taasoo lagu weyneynayo maalinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ku beegan 20-ka Dicembar, waxaana xafladaas ka soo qeybgalay mas'uuliyiin sare oo ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed, iyo qeybaha ciidamada.

 

Masuuliyiinta ka soo qeybgashay xafladda sanad guuradda 64-aad ee ka soo wareegatay maalinta la aas aasay Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma dheer), Taliyaha ciidanka nabad sugida Qaranka Gen. Maxamed Warsame Darwiish, Taliyaha Booliska Gen. Cabdi Qeybdiid, ku xigeenka ciidanka Booliska Gen.Bashiir Maxamed Jaamac "B.Goobe", Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Maxamed Dheere, ku xigeenadiisa , Taliyaha Booliska Gobalka Banaadir,Gen. Yuusurf Xuseen Dhuumaal, Taliyaha ciidanka Asluubta General C/llaahi Macallin Cali, iyo mas'uuliyiin fara badan oo ay ka mid yihiin Safiirada dalalka shisheeye ee ku sugan Muqdisho

 

Munaasabadan ayaa caawa waxaa khudbado ka jeedin doona mas'uuliyiinta sare ee ka socota Dowladda KMG iyadoo halkaasi la filayo in uu ka hadlo Wasiirka arrimaha Gudaha Gacma Dheere iyo Taliyaha Booliska Gen. Qeybdiid, iyadoo iminka ay socoto ruwaayad xiiso leh oo ciidamada Booliska ee Heegan ay martida ku madadaalinayaan.

 

Taliyaha Booliska Gen. Cabdi Qeybdiid ayaa sidoo kale halkaasi ka soo jeedin doono marxaladihii kala duwanaa ee ciidanka Booliska la soo kulmeen mudadii nidaam la'aanta iyo waxqabadka iminka ciidamadu ku tallaabsadeen ee dhinaca amaanka.

 

Maanta ayaa sidoo kale xaflado kala duwan oo lagu weyneynayo xuska 64- guuradii ka soo wareegatay aas-aaska ciidanka Booliska lagu kala qabtay gobolada dalka gaar ahaan Kismaayo, Baladweyne, Marko iyo gobolada kale ee dalka.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Munaasabad masuuliyiintu khudbado ka jeedinayaan oo lagu maamuusayo maalint ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ka socota Comando Di Polizia.

 

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo looga gol leeyahay in lagu weyneeyo maalinta ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku began 20-ka December ayaa waxaa iminka ay ka soconeysaa talisska sare ee ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Comando Di Polizia.

 

Munaasabada ayaa waxaa ku sugan masuuliyiin ay ka mid yihiin :Wasiirka arimaha gudaha soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma dheer),taliyaha ciidanka nabad sugida Qaranka General Maxamwe Wasame faarax Darwiish,taliyaha Booliska General Cabdi Qeybdiid,ku xigeenka booliska General bashiir Maxamed Jaamac, guddoomiyaha Gobalka Banaadir Maxamed Dheere,ku xigeenadiisa Dhagaxtuur iyo C/fitaax Shaawey,taliyaha booliska Gobalka Banaadir,General Yuusurf Xuseen Dhuumaal,Taliyaha ciidanka Asluubta General C/llaahi Macallin Cali,taliyaha Waaxda Socdaalka Col C/llaahi Gaafow,afhaeenka Madaxweynaha Xuseen Xuub Sireed iyo masuuliyiin kale oo aad u farabadan.

 

Waxaa sidoo kale munaasabada caawa jooga safiiro dalal shisheeye u jooga Soomaaliya,masuuliyiinta ciidamada kala duwan ee nabad ilaalinta iyo diplomasiyin kale.

 

Kooxda Heegan ee ciidanka bolska Soomaaliyeed ayaa goobta kusoo bandhigeysa Riwaayado kala duwan oo dhamanatoodba ka hadlaya sida booliska uu lagama maaraan ugu yahay bulshada,iyo dalka Soomaaliya sida ay boolis la’aantu sanadihii lasoo dhaafay horumarkiisii iyo kala dambeyntiisii dhulka ula gashay.

 

Si kastaba ha ahaatee munaasabadu haatan waa ay soconeysaa masuuliyiintuna khudbdaha ayay goor dhoweyto bilaabeen,wixii kusoo kordha la soco oo ha ka dheeraan carmooyin.com

 

Carmooyin.com:Astaanta wararka deg dega ah ee xaqiiqda ku saleysan

 

 

Xafiiska warqabadka shabakda wararka carmooyin.com ee Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sannad guurada 64-aad ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo maanta la xusay

 

Munaasabaddo lagu waynaynayo aasaaskii ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo ay ka soo wareegtey 64 sannadood ayaa maanta si weyn looga xusay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ka tirsan gobollada dalka.

 

Munaasabad ballaaran oo ay ciidanku ku soo bandhigeen gaaddo ka ciyaar ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho iyadoo uu halkaasi ka hadlay, taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, Gen Cabdi Qaybdiid iyo mas'uuliyiin kale.

 

Magaalooyinka kale ee ku yaal gobollada dalka ee laga xusay aasaaska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa waxaa kamid ah Kismaayo iyo Beledweyne.

 

Maxamuud Faarax Bile

 

farahbile@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sanadguuradii 64aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu qabtay

 

Khamiis, December 20, 2007(HOL): Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay 64 guuradii ka soo wareegatay aas-aaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Dugsiga sare ee Booliska ee Magaalada Muqdisho.

 

Xafladdan oo goobta lagu qabanayay ammaankeeda si weyn loo adkeeyay waxaa ka qeybgalay saraakiil ka socday qeybaha kala duwan ee Ciidamada Soomaaliya, kuwaasi oo uu horkacayay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, iyadoo ay sidoo kalena ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka socday Maamulka Gobolka Banaadir iyo weliba Saraakiil ka socday Ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan.

 

Xafladda ayaan wax qudbad laga jeedin, iyadoo taasina uu Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku sababeeyay iyadoo qudbooyinka loogu dhigay xaflad caawa ka dhaceysay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed , taasi oo ay ka qeybgelayaan mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ka soo amba baxay magaalada Baydhabo.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid waxaa uu u sheegay intii joogtay xafladdii maanta ka dhacday Dugsiga sare ee Booliska in ay Caawa ku casuuman yihiin Xafladda ka dhaceysa Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taasi oo sida uu yiri ay furan yihiin Waddooyinka soo gala.

 

Xafladda lagu qabtay Xarunta Dugsiga sare ee Booliska oo ay sidoo kale ka qeybgaleen Safiirrada dalalka Liibiya, Yemen iyo Itoobiya ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo xaaladda ammaan ee dalka Soomaaliya ay tahay mid aan hagaagsaneyn, isal markaana ay caasimadda dalka Soomaaliya ku hardamayaan Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwa Itoobiya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

 

Ugu dambeyntiina, Gobollo kale oo ka tirsan Dalka Soomaaliya ayaa iyana maanta si weyn looga xusay munaasabadda 64 guuradii ka soo wareegatay markii la aas-aasay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta maalintiisa xusaya iyadoo uusan heysan xuquuqdii uu lahaa, isla markaana ay u sii dheer yihiin falal lagu ugaarsanayo cid kasta oo ka tirsan Ciidamadii Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this