Sign in to follow this  
Deeq A.

In ka badan 100 xildhibaan oo ka horyimid tallaabadii uu qaaday Aadan Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   
BF-SOMALIA.jpg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – In ka badan 100 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen si weyn uga horyimid tallaabo uu maanta qaaday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe, kadib markii uu soo saaray warqad uu ku eryay Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa horey shaaca uga qaaday in Xildhibaan Abiib uu lumiyay xubinimadiisii Golaha Shacabka, sababo la xiriira inuu soo xaadiri waayay laba fadhi oo xiriir ah oo uu yeeshay baarlamaanka Soomaaliya.

“Haddaba Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib ma uusan soo xaadirin Golaha Shacabka in ka badan laba fadhi oo xiriir ah, mana soo gudbin sabab macquul ah oo ku saabsan maqnaanshihiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha.

Waxaa intaas lagu daray: “Sidaas darteed wuxuu lumiyay xubinimadiisii Golaha Shacabka si waafaqsan qodobka 59-aad, faqradiisa (d), iyo qodobka 8-aad faqradiisa (4) ee xeer hoosaadka Golaha Shacabka.”

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale faray in si degdeg ah loo soo buuxiyo kursigan oo tirsigiisu yahay HOP#201, kaas oo deegaan-doorashadiisu tahay gobollada waqooyi (Somaliland).

“Guddoomiyaha Golaha Shacabka, isagoo dhaqangelinaya qodobka kor ku xusan, wuxuu ku wargelinayaa hay’adaha ay khusayso inay soo buuxiyaan kursiga bannaanaaday iyada oo loo marayo hanaan waafaqsan dastuurka,” ayaa lagu yiri warqadda.

Xildhibaannada soo saaray warsaxaafadeedkan oo gaaraya ilaa 106 mudane ayaa sharci-darro ku tilmaamay go’aanka guddoomiyaha, waxayna sheegeen inuu ka hor imaanayo dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Waxay sidoo kale sheegeen in guddoomiyuhu aanu awood u lahayn inuu xilka ka qaado xildhibaan, tallaabadaasna ay tahay mid xadgudub ah.

Xildhibaanno si gaar ah uga hadlay arrintan ayaa si adag uga soo horjeestay tallaabada guddoomiyaha:

Xildhibaan Xasan Cabdinuur ayaa yiri: “Xildhibaan lasoo doortay digreeto xil loogama qaadi karo. Sifooyinka uu xilka ku weynayo iyo dariiqa saxda ah ee loo marayo xeer hoosaadka ayey ku qoran yihiin.”

Xildhibaan Cabdirashiid Jire ayaa isna yiri: “Xildhibaan, haddaad musuqmaasuq ka hadasho ku talagal inaad xasaanadda ku luminayso.”

Xildhibaan Sadiiq Cabdullaahi Cabdi ayaa sheegay: “Geel kuul maxaas ka kasaa geedahaas ku rugtaa. Aadan Madoobe isagaa lumiyey kursigiisa. Period.”

Xildhibaan Faaiso Jayte ayaa iyaduna tiri: “Warqaddan uu soo qoray guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waa sharci-darro, mana waafaqsana shuruucda dalka u yaalla ee dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha Shacabka.”

Xildhibaan Xuseen Maxamed Daahir ayaa ugu dambeyn yiri: “Waalidi maa bilaabatay, waa soonsoone yaan la is danbaajin.”

484493197_705902098431431_70860328217451 484021841_705902105098097_56970077338758484164549_705902101764764_52649273768498484791695_705902108431430_23519071871705

The post In ka badan 100 xildhibaan oo ka horyimid tallaabadii uu qaaday Aadan Madoobe appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this