Sign in to follow this  
Deeq A.

Liiska Soomaaliya iyo 40 dal oo kale oo go’aanka Trump uu saameyn doono (Aqriso)

Recommended Posts

Deeq A.   
Trump.jpeg?fit=2400%2C1800&ssl=1

Washington (Caasimada Online) – Maamulka Trump ayaa qorsheynaya inuu soo rogo xayiraado safar oo ballaaran, taasoo saameyn doonta muwaadiniinta dalal badan, sida laga soo xigtay ilo-wareedyo xog-ogaal u ah arrinta iyo warqad ay aragtay wakaaladda wararka Reuters.

Warqadda ayaa xustay in 41 dal loo kala saaray saddex qaybood.

  • Kooxda koowaad, oo ka kooban 10 dal Afghanistan, Cuba, Iran, Libya, North Korea Soomaaliya, Sudan, Syria, Venezuela iyo Yemen—ayaa lagu wadaa in gebi ahaanba laga joojiyo bixinta fiisaha.
  • Kooxda labaad, oo ka kooban 5 dal—Eritrea, Haiti, Laos, Myanmar iyo Koonfurta Suudaan—ayaa la filayaa inay wajahaan xayiraado qayb ahaan ah, taasoo saameyn doonta fiisayaasha dalxiiska, ardayda, iyo kuwa socdaalka, inkastoo ay jiri doonaan wax ka reeban.
  • Kooxda saddexaad, oo ay ka mid yihiin 26 dal sida Angola, Antigua and Barbuda, Belarus, Benin, Bhutan, Burkina Faso, Cabo Verde, Cambodia, Cameroon, Chad, Democratic Republic of the Congo, Dominica, Equatorial Guinea, Gambia, Liberia, Malawi, Mauritania, Pakistan, Republic of the Congo, Saint Kitts and Nevis, Saint Lucia, Sao Tome and Principe, Sierra Leone, East Timor iyo Turkmenistan. Dalalkan ayaa la tilmaamay inay wajihi doonaan xayiraad qayb ah oo lagu joojin karo bixinta fiisaha Mareykanka, haddii dowladahooda aysan 60 maalmood gudahood wax ka qaban “ciladaha la xiriira habraacyada baaritaanka iyo amniga.”

Mas’uul Mareykan ah oo codsaday in magaciisa aan la shaacin ayaa sheegay in liiskan uu isbeddel ku imaan karo, isla markaana uusan weli helin oggolaanshaha maamulka, oo ay ku jiraan Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio.

Wargeyska The New York Times ayaa markii ugu horreysay shaaciyay liiskan dalalka la xusay.

Tallaabadan waxay dib u soo nooleynaysaa xayiraaddii safarka ee uu Madaxweyne Donald Trump hore ugu soo rogay toddobo dal oo Muslimiin u badan intii lagu jiray xukunkiisii ugu horreeyay, taasoo marar badan la beddelay ka hor inta aysan Maxkamadda Sare ansixin sanadkii 2018.

Trump ayaa 20-kii Janaayo soo saaray amar fulineed oo adkaynaya baaritaanka amniga ee lagu sameeyo qof kasta oo ajnabi ah oo doonaya inuu galo Mareykanka, si looga hortago khataraha amniga qaranka.

Amarkan wuxuu farayaa in xubno ka tirsan golaha wasiirrada ay 21-ka Maarso u gudbiyaan liis rasmi ah oo muujinaya dalalka laga mamnuuci doono ama si qayb ah loo xadidi doono socdaalkooda, maadaama “xogtooda la xiriirta baaritaanka iyo kormeerka aysan buuxin shuruudaha amniga.”

Tallaabadan waa qeyb ka mid ah xoojinta siyaasadda socdaalka ee Trump uu bilaabay bilowgii xilligiisa labaad.

Bishii Oktoobar 2023, Trump ayaa jeediyay khudbad uu kaga hadlay qorshihiisa, isagoo ballan qaaday inuu xayiraad ku soo rogayo dadka ka imanaya Marinka Gaza, Liibiya, Soomaaliya, Suuriya, Yemen, iyo “meel kasta oo khatar gelin karta amniga Mareykanka.”

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsi Reuters u dirtay oo ku saabsanaa arrintan.

 

The post Liiska Soomaaliya iyo 40 dal oo kale oo go’aanka Trump uu saameyn doono (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this