Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Armed Man Captured in Zeila

Recommended Posts

Hargeysa, August 28, 2008 (Haatuf) – Ciidamada Ammaanka ee Somaliland, ayaa 24-kii bishan August gacanta ku dhigay nin la sheegay inay dhalashadiisu ka soo jeedo dalka Kenya oo doonayay inuu magaalada Saylac uga gudbo dhinaca Djibouti.

 

Ninkan oo la sheegay inuu maalintii sabtidii ee 23-kii isla bishan August ka soo degay Madaarka Hargeysa, ayaa waxa la xaqiijinayaa in diyaaradda sidday uu ka soo raacay Djibouti, kadibna uu isla maalintiiba dhinaca Saylac u raacay gaadhi ay u diyaariyeen qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda ganacsadaha reer Djibouti ee Cabdiraxmaan Boore.

 

Hase yeeshee sida ay ilo xog-ogaal ahi Haatuf u sheegeen ninkani markii uu gaadhay magaalada Saylac waxa ka shakiyey qaar ka mid ah Bileyska Saylac oo markii hore ninkan loogu sheegay inuu ka soo jeedo Beesha Ciisaha, balse markii ay taas ku qanci waayeen ayay bileyska Saylac xabsiga u taxaabeen ninkii iyo ciddii la socotay oo ahayd laba nin oo reer Somaliland ah.

 

Warku wuxuu intaas ku darayaa in markii ninkan gacanta lagu dhigay laga soo saaray Bastoolad xabaddu dhuunta u taallo iyo saabka laabta lagu xidho ee aanay rasaastu karin (Bulletproof vest). Waxa kale oo shandad uu sitay laga helay afar Raadyow oo ah nooca isgaadhsiinta ee loo yaqaan GBS oo mid ka mid ahi yahay nooca lagu isticmaalo badda ee codka weyneeya iyo weliba sidoo kale telefoonka nooca la yidhaahdo Turaya ee satellite-ka ku xidhan.

 

Sida la sheegay ninkan la qabtay wuxuu doonayey inuu laash ka raaco xeebta Saylac si uu u galo Djibouti. Balse waxa uu warku tibaaxay in qorshahaas ay dib u dhigtay badda oo ka caariday xeebta Saylac.

 

Inkasta oo ninkan markii Saylac lagu qabtay uu sitay Shandad keliya, haddana waxa la sheegay in markii uu Madaarka Hargeysa ka soo degay uu sitay saddex Shandadood.

 

Waxa kale oo laga shakisan yahay in Bastoolada iyo qalabka kale ee uu sitay loogu sii diyaariyay magaalada Hargeysa.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in aanay ahayn markii u horeysay ee uu ninkan Kiiniyaanka ahi xadka Somaliland uga gudbo dhinaca Djibouti, balse ay dhacday inuu marar hore ka xuduudda Somaliland iyo Djibouti u dhaxaysa ka gudbay, iyadoo loo malaynayo in doorkan u dambeeyay uu waayey gacan-siin uu ka heli jiray dhinaca qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka Djibouti.

 

Ganacsade Boore ayaa hore warbaahintu ugu eedaysay in koontarabaanka sigaarka ka sokow uu ka ganacsado mukhaadaraadka loo dhoofiyo dalalka Gacanka Carabta iyo wadamada Yurubta galbeed, waxaana loo malaynayaa in ninkani uu xidhiidhinayay badeecado koontarabaan ah oo badda Somaliland iyo Djibouti lagula kala wareegayey.

 

Ganacsade Cabdiraxmaan Boore ayaa waxa uu Somaliland ganacsi u keenaa sigaarada Benson, Royals iyo badeecado kale.

 

Dhinaca kale, Ganacsade Cabdiraxmaan Boore ayaa lagu wadaa inuu maanta soo gaadho magaalada Hargeysa, si uu Xukuumadda Somaliland uga sii daayo ninkan Kiiniyaanka ah oo isagu sheegtay inuu la-taliye u yahay Cabdiraxmaan Boore.

 

Ninkan iyo labadii nin ee lala soo qabtay waxa la sheegay in shalayba loo soo dhaadhiciyey Hargeysa oo ay hadda ku xidhan yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this