Sign in to follow this  
Deeq A.

Jeyte oo dalab xasaasi ah hordhigay beesha Xawaadle

Recommended Posts

Deeq A.   
Jeyte.png?fit=1384%2C830&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha ciidanka Macawiisleeyda, Cali Jeyte Cismaan, ayaa ku baaqay in lasoo afjaro dagaalka afar sano jirsaday ee ka socda gobollo ka mid ah dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.

Cali Jeyte ayaa dhaliilay qaabka uu hadda dagaalku u socdo, isaga oo xusay in la joogo xilligii la dhammeystiri lahaa qorshaha xoreynta.

Wuxuu ugu baaqay beesha Xawaadle inay u midoobaan sidii dagaalka loo dhammayn lahaa, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in aan laga cabsanin dagaalka.

“Dagaalku waa nagu dheeraaday, taageero buuxda ayuu u baahan yahay. Ma ka baxeynaa dagaalka haddaan garabka dowladda weyno? Jawaabtu waa maya! Waa inaan dagaalka sii wadnaa oo aanan dib uga guran,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Wuxuu sidoo kale beesha Xawaadle ugu baaqay inay isugu timaado kulan ballaaran si xal dhab ah loogu helo taageerada dagaalka.

“Sida haatan dagaalku ku socdo si sax ah ma aha, ee madaxda beesha halkan badankeedu fadhiso, waxaan leeyahay dagaalka il hoose halagu eego,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, wuxuu tilmaamay in dagaalka hadda socda uusan lahayn qorshe cad oo dhab ah, loona baahan yahay in la dejiyo istiraatiijiyad lagu soo afjarayo dagaalka.

Dalabkan ayuu Cali Jeyte ka jeediyay xalay kulan afur ahaa oo beesha Xawaadle ku yeelatay Muqdisho, kaasoo diiradda lagu saaray dardar-gelinta dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo diyaar u ahaanshaha beesha ee doorashada qof iyo cod.

The post Jeyte oo dalab xasaasi ah hordhigay beesha Xawaadle appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this