Sign in to follow this  
Deeq A.

PUTIN oo Ukraine u soo bandhigay 2 doorasho oo adag

Recommended Posts

Deeq A.   
Putin.jpeg?fit=1880%2C1160&ssl=1

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa shaaciyay in ciidamadiisu ay go’doomiyeen askarta Ukraine ee ku harsan gobolka Kursk ee galbeedka Ruushka, halkaas oo ay ku sugnaayeen in ka badan toddoba bilood. Dagaalkan ayaa ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ee colaadda ka socota gobolka.

Putin, oo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Moscow, ayaa yiri in xaaladda Kursk ay tahay “mid gebi ahaanba ku jirta gacanteena, halka kooxdii duullaanka nagu soo qaadayna ay hadda ku go’doonsan tahay,” sida ay werisay Reuters.

Ukraine ayaa bishii Agoosto ee la soo dhaafay weerar lama filaan ah ku qaaday Kursk, iyada oo isku dayaysay in ay ka jeediso ciidamada Ruushka furimaha hore, isla markaana ay hesho dhul ay ku beddesho gobollada ay Ruushku haystaan. Hase yeeshee, taliyaha ugu sarreeya ee Ukraine ayaa toddobaadkan beeniyay in ciidamadiisu la go’doomiyay.

Arbacadii, Putin ayaa booqasho lama filaan ah ku tegay ciidamada Ruushka ee ku sugan Kursk, isaga oo faray in si degdeg ah dib loogu qabsado gobolka.

“Haddii go’doominta dhabta ah dhacdo maalmaha soo socda, cidna kama bixi doonto halkaas. Waxa kaliya ee u furan waa in ay is dhiibaan ama ay dhintaan,” ayuu Putin ku yiri shir jaraa’id oo uu qabtay Khamiistii, sida ay Reuters sheegtay.

Intii lagu guda jiray shir jaraa’idka, Putin wuxuu sidoo kale muujiyay taageero xaddidan oo uu u hayo qorshaha xabbad-joojin ee Mareykanku soo jeediyay.

Duqeymo Ruushku fuliyay oo dhimasho sababay

Hadallada Putin ayaa yimid xilli duqeymo cirka ah oo Ruushku habeenkii hore ka fuliyay koonfurta Ukraine ay ku dileen ugu yaraan laba qof gobolka Kherson, sida ay saraakiishu sheegeen Khamiistii.

Guddoomiyaha Kherson, Oleksandr Prokudin, ayaa ku sheegay fariin uu soo dhigay Telegram in gobolka uu la kulmay weerarro ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo madaafiicda Ruushka, taasoo keentay in qof kale uu ku dhaawacmo.

Dhanka kale, gobolka deriska la ah ee Dnipropetrovsk, guddoomiyaha Serhiy Lysak ayaa sheegay in ugu yaraan saddex qof la dhigay isbitaalka kaddib markii weerar Ruushku fuliyay uu haleelay magaalada Dnipro.

Lysak ayaa ku sheegay fariin uu soo dhigay Telegram in weerarku uu burbur u geystay dhismayaal badan oo dabaqyo ah, isaga oo sheegay in daaqadaha dhismayaashu ay wada burbureen.

Sidoo kale, saraakiisha gobolka Sumy ayaa Khamiistii sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ay ku dhaceen xarumo garajyo ah, taasoo sababtay in ilaa 20 garaj ay gubtaan.

Ukraine oo sheegtay in ay soo rideen 74 drones

Militariga Ukraine ayaa Khamiistii sheegay in ay soo rideen 74 ka mid ah 117 diyaaradood oo Ruushku habeenkii la soo dhaafay hawada u diray.

Hawlgalka lagula dagaallamay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ayaa ka dhacay gobollada Chernihiv, Dnipropetrovsk, Kharkiv, Khmelnytskyi, Kyiv, Mykolaiv, Odesa, Poltava, Sumy, Vinnytsia iyo Zaporizhzhia, sida ay militariga Ukraine sheegeen.

Dhanka kale, Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in ay soo rideen 77 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo Ukraine ay dirtay, kuwaas oo intooda badan lagu burburiyay gobollada xuduudda la leh Ukraine.

Guddoomiyaha gobolka Kaluga ee Ruushka, Vladislav Shapsha, ayaa sheegay in weeraradii dhacay ay dhaawac gaarsiiyeen qof, isla markaana waxyeello u geysteen dhisme warshadeed, taawarka isgaarsiinta iyo xarun koronto.

Militariga Ruushka ayaa sidoo kale sheegay in ay burburiyeen 30 diyaaradood oo drones ah oo dul marayay gobolka Bryansk, inkastoo saraakiisha halkaas joogay ay sheegeen in aysan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay.

Difaaca cirka ee Ruushka ayaa sidoo kale duqeeyay diyaarado Ukraine ay dirtay oo dul marayay gobollada Kursk, Voronezh, Rostov iyo Belgorod, sida ay militarigu sheegeen.

Weerarada cirka ee Ruushku ay sii wadaan ayaa imaanaya xilli Mareykanku uu dadaal ugu jiro in la gaaro xabbad-joojin.

Mareykanka ayaa soo jeediyay in dagaalka la hakiyo muddo 30 maalmood ah, taasoo Ukraine ay sheegtay in ay aqbali doonto.

Mas’uuliyiin Mareykan ah ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay arrintan kala hadlaan saraakiil Ruush ah.

Qeybo ka mid ah warbixintan waxaa laga soo xigtay AFP iyo Reuters.

The post PUTIN oo Ukraine u soo bandhigay 2 doorasho oo adag appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this