Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Xawaadle oo ku dhawaaqday mowqifkeeda doorasho qof iyo cod

Recommended Posts

Deeq A.   
Xawaadle.jpg?fit=660%2C370&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Xawaadle ayaa xalay kulan ballaaran ku yeelatay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu taageerayay halganka dib-u-xoreynta dalka iyo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb-galay masuuliyiin sare, siyaasiyiin, waxgarad, dhalinyaro, iyo haween, kuwaasoo dhammaantood cadeeyay mowqif adag oo ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo rabitaanka doorasho xor ah oo dalka laga hirgeliyo.

Taageerada doorashada qof iyo cod

Kulankan oo uu soo agaasimay Xoghayaha Maamulka Gobolka Banaadir, Faysal Caraale Afrax ayaa si weyn diiradda loogu saaray sida beesha Xawaadle uga go’an tahay inay kaalin mug leh ka qaadato mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Faysal Caraale ayaa cadeeyay in beesha Xawaadle diyaar u tahay doorasho qof iyo cod ah, isagoo xusay in ay tahay mid ka mid ah beelaha sida weyn u garab taagan qorshaha dowladdu wado.

“Waxaan cadeynayaa in beeshu diyaar u tahay hadii doorasho qof iyo cod ah la qabanayo, waxaan kaloo rabaa in beesha ay xoojiso dagaalka Khawaarijta, si looga ciribtiro dhamaan deegaanada ay weli kaga sugan yihiin dalka,” ayuu yiri Xoghayaha Gobolka Banaadir.

Kala saarista dagaalka siyaasadda

Hoggaamiyaha ciidanka difaaca deegaanka, Cali Jeyte Cismaan oo isna kulanka ka hadlay, ayaa si adag u sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay si mideysan uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in la joojiyo isku day kasta oo lagu siyaasadeynayo halganka xoreynta ee ka socda dalka.

Dhanka kale, madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ku baaqay in la mideeyo dadaallada dagaalka, isagoo ka digay caqabado siyaasadeed oo carqaladeyn kara dadaallada xoreynta.

“Madaxweyne Xasanow dagaalku dhinaca tolkaa Abgaal ayuu ka socon la’yahay ee siyaasadda ha ka dhaafaan. Caqli iyo siyaasad meel islama galaan, dagaalka anaga waa ku jirnaa ee dhankaas hagardaamada haka dayaan oo ha dagaalamaan,” ayuu yiri Cosoble.

Hoggaaminta siyaasadda

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, oo kulanka soo xiray, ayaa ugu baaqay beeshiisa in ay u diyaar garoobaan doorashada qof iyo cod, isagoo xusay in beesha Xawaadle aysan noqon doonin mid la duleeyo ee ay noqon doonto mid talada dalka go’aankeeda wax ka leh.

“Hadda nahay beesha Xawaadle kuwo loo shooro noqon meyno ee waxaan noqonaynaa dad lala shoorro, matalaadna anaa idin jooga,” ayuu yiri wasiirku, isagoo xusay in beesha ay doorkeedu xoojin doonto.

Waxa uu intaas kusii daray “Doorashada dadweyne waa in aan noqono beesha ugu horeysa ee u diyaarsan, sida aan u noqonay beesha ugu horeysay ee halganka xoreynta bilowday.”

Si kastaba, kulankaan ayaa imanaya xilli ay dowladda Soomaaliya wado dadaallo xooggan oo lagu doonayo in markii ugu horreysay muddo 56 sano ah dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah. Inkasta oo qorshahan uu wajahayo diidmo xooggan oo ka imaanaysa mucaaradka, kuwaas oo u arka mid laga leeyahay dano siyaasadeed oo gaar ah.

The post Beesha Xawaadle oo ku dhawaaqday mowqifkeeda doorasho qof iyo cod appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this