Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya iyo Israel oo ka wada-hadlay arrin xasaasi ah oo la xiriirta Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Israel-Ethiopia.jpg?fit=1033%2C823&ssl=1

Qudus (Caasimada Online) – Dowladaha Israa’iil iyo Itoobiya ayaa Arbacadii kulan ku yeeshay magaalada Qudus, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca la-dagaallanka argagixisada, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya iyo kooxaha kale ee ka jira Bariga Dhexe.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen kulanka kaddib, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Gideon Sa’ar, iyo dhiggiisa Itoobiya, Gedion Timotheos, ayaa carrabka ku adkeeyay xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta Yemen, kuwaasoo loo arko inay halis ku yihiin amniga gobolka iyo midka caalamiga ah.

“Argagixisadu waa caqabadda ugu weyn ee hortaagan shucuubteena,” ayuu yiri Sa’ar. “Waxaan aragnaa xagjirnimada Islaamiga ah oo kusii faafaysa gobolkeena—Hamas oo Gaza ka dagaallamaya, Xizbullah oo Lubnaan ku sugan, jihaadiyiinta Suuriya, iyo Al-Shabaab oo ka hawlgala Afrika. Waa in argagixisada laga cirib tiro gebi ahaanba.”

Sa’ar wuxuu hoosta ka xariiqay xiriirka ka dhexeeya Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, iyo Xuutiyiinta ay Iran taageerto, kuwaasoo tan iyo weerarkii Hamas ee Israa’iil ku qaaday 7-dii Oktoobar 2023, xoojiyay weerarradooda ka dhanka ah Bariga Dhexe.

Xuutiyiinta ayaa bartilmaameedsaday marinnada maraakiibta Israa’iil, taasoo carqalad ku noqotay ganacsiga caalamiga ah, iyagoo xiisadda sii hurinaya.

Doorka Itoobiya ee la-dagaallanka Al-Shabaab

“Itoobiya waxay door muhiim ah ka ciyaartaa dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab,” ayuu yiri Sa’ar, isagoo xusay in Al-Shabaab “ay xiriir dhow la leedahay Xuutiyiinta Iran taageerto ee Yemen, taasoo sii xumeynaysa xasilloonida gobolka.

Tan iyo 7-dii Oktoobar, Xuutiyiinta waxay Israa’iil ku garaaceen boqolaal gantaal iyo diyaarado aan duuliye lahayn, waxayna carqaladeeyeen marinnada ganacsiga caalamiga ah.

Hadda, waxay si toos ah ugu hanjabayaan inay ka mamnuucaan maraakiibta Israa’iil ee Badda Cas. “Xuutiyiintu waa khatar caalami ah, Israa’iil, Afrika, iyo nidaamka caalamiga ahna halis ayay ku yihiin,” ayuu yiri Sa’ar

Sa’ar wuxuu xoojiyay muhiimadda booqashada Timotheos, isagoo ku tilmaamay “tallaabadii ugu horreysay ee lagu xoojinayo xiriirka Israa’iil iyo dalalka Afrika,” wuxuuna Itoobiya ku sifeeyay inay tahay “mid ka mid ah dalalka hormuudka ka ah gobolka.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil wuxuu xusay in xiriirka labada dal uu soo jiray qarniyo badan, isagoo carrabka ku adkeeyay doorka ay bulshadu Itoobiyaan-Yuhuudda ah ka ciyaaraan bulshada Israa’iil.

Sa’ar wuxuu shaaciyay inuu dhowaan booqan doono Itoobiya si loo sii xoojiyo wadahadallada la xiriira amniga iyo iskaashiga gobolka.

Sirdoonka Maraykanka ayaa dhawaan helay xog muujinaysa in Xuutiyiinta Yemen ay ka wadahadleen suurtagalnimada inay hub siiyaan kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa haatan raadraacaya caddeymo muujinaya in hubka Xuutiyiinta la gaarsiiyay Soomaaliya, iyagoo sidoo kale baadhaya in Iran, oo taageero militari iyo dhaqaale siisa Xuutiyiinta, ay ku lug leedahay heshiiskan.

The post Itoobiya iyo Israel oo ka wada-hadlay arrin xasaasi ah oo la xiriirta Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this