Sign in to follow this  
Deeq A.

Qorshaha cusub ee Al-Shabaab iyo madaxoodii degaanka Mubaarak oo isku dhiibay DF

Recommended Posts

Deeq A.   
Al-Shabaab-Al-Shabab-1.jpeg?fit=960%2C64

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalyahanada Kooxda Al-Shabaab ayaa joojiyey waayahaan inay isku soo dhiibaan ciidamada dowladda, waxaana loo sababeynayaa hal arrin oo ku soo korortay dagaalka, taas oo ah is bedelka ku yimid istiraatiijiyadda dagaalka ee Al-Shabaab.

Inkastoo maanta uu ciidamada dowladda isku soo dhiibay madaxii Al-Shabaab ee deegaanka Mubaarak oo ka tirsan gobolka Sh/Hoose, hadana dhowrkii toddobaad ee lasoo dhaafay kooxdaan waxay joojisay inay isku soo dhiibaan dowladda.

Yacquub Macalin Axmed oo 7-sano ka hor Khawaarijta uga biiray deegaanka Janaale ayaa galabta isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Yacquub ayaa sheegay inuu ahaa horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa deegaanka Mubaarak oo hoos taga degmada Awdheegle.

Wuxuu sheegay Khawaarijta uu soo wajahay culeys ay u dul-qaada waayeen oo uga imaanaya duulaanka iyo go’doominta ay kala kulmayaan Ciidamada Qaranka, taasi oo ku kaliftay in maanta uu isku soo dhiibo Ciidamada Qaranka ee ku sugan degmada Awdheegle.

WhatsApp-Image-2025-03-14-at-7.40.50-PM.

Wixii ka horeeyey bishaan Ramadaan, maalin kasta waxaa ciidamada dowladda Soomaaliya isku soo dhiibi jiray xubno Shabaab ah, iyagoo inta badan iska dhiibi jiray labo aag oo kala ah deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan aagga Baydhaba iyo deegaanada dhaca xuduudda gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Quburrada ka faalloota dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab waxay sheegeen in xubnihii isku soo dhiibi jiray dowladda ee Shabaab ka soo goosa jiray ay fursad waayeen, laga soo bilaabo dhamaadkii bishii Shacbaan, xiligaas oo Al-Shabaab ay dardar geliyeen istiraatiijiyadooda dagaalka.

Dhallinyaradii kasoo goosa jirtay kooxda ayaa toos loo geliyey dagaalka, waxayna weerarro is dabajoog ah ku soo qaadeen gobolka Sh/Dhexe, tqorshahaan ayaa dhalinyarada ka barbar dagaalameysa Al-Shabaab u diiday fursad ay isku dhiibaan.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in Al-Shabaab ay dagaalyahadoodii kasoo rareen Koonfur Galbeed, isla markaana ay cududdooda militeri isugu keeneen gobolka Shabeellaha Dhexe.

Hamiga ku jira kooxdaan argagixisada ah waa inay Muqdisho qabsadaan, markii laga soo tago Sh/Dhexe oo dagaal toos ah uu ka socdo, hadana hareeraha kale ayey Muqdisho ka soo kulaashay kooxda Al-Shabaab, balse waxaa la sheegay in aysan awoodin, ciidana u heysan inay Muqdisho soo weeraraan.

The post Qorshaha cusub ee Al-Shabaab iyo madaxoodii degaanka Mubaarak oo isku dhiibay DF appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this