General Duke Posted May 20, 2008 WAXBA KAMA SOO BAXAYAAN SHIRKA JIBUUTI HADDII AN LALA XAAJOONIN MISE LA MAQUUNANIN XASAN DAAHIR AWEES Sida la xasuusanyahay waxay ahayd bilowgi bisha abril ee sannadkaan 2008, marka ay soo baxeen wararka muujinayey in wakiillada kooxda ka soo horjeedda dawladda kmg inay ka soo dibceen mowqifkoodi adka oo ku aaddana wada hadallo ay kooxdaas la gasho dawladda, soo dhawaashada iyo dibacasanaanta kooxda martida ku ah Casmara waxaa laga fahmay hadallada waqtigaas ka soo yeeray Sheekh Shariif Axmed oo laga sii daayey warbaahinta gudaha iyo dibeddaba, sida BBC-da laanteeda af-soomaaliga, waxaana si weyn u soo dhaweyey hadallada Sheekh Shariif Axmed wakiilka Xoghaya Guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliya, waana arrintaasna midda keentay in lagu ballamo shir lagu qabto dalka Jibuuti oo ay ka soo qayb galaan dawladda fkmg iyo mucaaradka. Hadeer sida an aragnay taariikhdii lagu ballansanaa shirka waxaa soo xaadiray madasha Jibuuti wafdiga mucaaradka oo markii hore la sheegay inu hoggaaminayo wafdigaas Sheekh Shariif Axmed oo wata mowqif gebi ahaamba ka soo horjeeda mowqifki oo uu horey ugu dhawaaqay oo laga wada dhagaystay badi ahaan warbaahinta caalamka, Sheekh Shariif wuxuu dafaray warkii uu asiga si caddaan ah horey u sheegay oo ahaa in kooxdiisa ay diyaar u ahayd inay dawladda la yeelato wada hadallo, haddana wuxuu Jibuuti ka caddeeyey ninkaas inaysan la shireynin wafdiga dawladda kmg. Ha yeeshee taas waxaa ka dambeysay in isla maalinti xigtay ay soo muuqato inuu jiro madax kale oo an ahayn Sheekh Shariif oo hoggaaminaya wafdiga reer Casmara oo shirka Jibuuti u soo xaadaray, waxaana laga dareemay hadallada hoggaankaan dambe ee wafdiga mucaaradka mowqif ka si dabacsan midkii maalin ka hor u ku dhawaaqay Sheekh Shariif. Haddaba, sida muuqata kooxda Casmara waxa soo dhex galay jahwareer xooggan, ha yeeshee muuqaalkaan waa mid been ah, jahwareerka ma ahan mid ku baahsan kooxda dhexdeeda, madaxda dhabta ah ee kooxda sida Xasan Daahir iyo Yusuf Indhacadde iwm way isku xiranyahiin waana isku mowqif mana rabaan heshiis, ha yeeshee jahwareerka waa mid ku kooban qaar ka mid ah shaqsiyaadka ka tirsan wafdiga mucaaradka Casmara, sida Sheekh Shariif Axmed oo mar walba lagu qasbo inuu asiga isbeeniyo. Haddii an ku soo noqonno ka hadalka shirka dibuheshiisiinta oo haddeer la rabo in laga socodsiiyo Jibuuti, haddaba shirkaan ma qabsoomayo haddii la qabtana wax dhab ah oo wax tar u yeelankara xaaladaha dalka ka jira kama soo baxayaan, maxaa yeelay madasha shirka waxaa ka maqan shaqsiyaadka dhab ahaanti wax ka qabankaray xakameynta dagaallada iyo colaadda oo dhibaatooyinka adag ku haya Ummadda Soomaaliyeed. Dagaalladaan ku si baahaya gobollada dalka oo idil waxaa hoggaanka u haya Xasan Daahir Aweys iyo kuwa ay isku beesha yihiin iskuna xiranyahiin, sidaas daraadeeda marna suuragal ma noqonayso inay Soomaaliya nabad ka dhalato haddii marka hore an lala xaajoonin mise la maquunanin ina Daahir Aweys. Xasan Daahir Aweys ma doonayo inuu dawladda kmg la galo wada xaajood, maxaa yeelay wuxuu ogyahay in wada xaajood uu la galo dawladda kmg inaysan uga soo baxaynin wax asiga qanciya, dawladdana sidaas ayey u ogtahay, maddaama la yiri " nin naagtaada raba kaama yeelo gabadheyda yaan ku siinayayey ee naagta ii da'". Xasan Daahir iyo raggiisa ma rabaan mana ku qancayaan jagooyin laga siiyey maamulka dawladda, waxayse rabaan una aqaltaagayaan hanashada hoggaanka sare ee dawladda, sida madaxweyne, mise ra'iisalwasare waxayna ogyahiin in jagooyinkaas aysan ku heleynin wada xaajood ay la galaan dawladdaan kmg. Xasan Daahir Aweys oo ah sarkaal militeri oo waayo arag ah wuxuu ku taamaya inuu talada dalka uu xoog ku qabsado, sidaas daraadeeda wuxuu qorshestay dagaalladaan oo bilowgi hore ku koobna magaalada Xamar iyo ag-aagaarkeeda, waqtigaan la joogana sida an arkayno dagaallada waxay wada saameyeen guud ahaan gobollada dalka, xataa qulqulutooyinka amaandarrada ku saleysan oo waayahaan dambe ka socda gobollada iyo degmooyinka Puntland waxay ka mid yihiin dagaallada uu qorsheeyey Xasan Daahir, sida kuwa ka socda gobollada Jubbooyinka, Gedo, Bay iyo Bakool. Marka Xasan Daahir wuxuu aaminsanyahay inuu qarka u saaranyahay qabsashada talada dalka, sidaas daraadeeda ninkaan dan uma arko wada xaajood uu kula galo dawladda kmg shirka Jibuuti. Dhinaca kale Xasan Daahir iyo asxaabtiisa ma wada qasaarayaan haddi ay u suurageli weyso inay ku guleystaan dagaalladaan loo qorsheeyey in dalka lagu wada qabsado maxaa yeelay, kolleyba waxaa meesha ku jirta maslaxada dawladda Eritreya oo daneneyso inaysan marna joogsanin dagaallada iyo colaadaha ka jira Soomaaliya, si aysan halkaan uga bixin ciidamada Etiyobiya, sidaas daraadeeda Xasan Daahir iyo kuwa ay isku heybta yihiin haddii ay tooda u fuliweyso waxay fulinayaan talada madaxweynaha ay u shaqeeyaan mise Afawarki. Cali Cumar: sablaale1@hotmail.com Xafiiska Jammaame jammaame@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted May 20, 2008 Hassan Dahir Uweys is a force to reckon with. He has what it takes to share power with TFG. For Somalia's sake deal with him directly and concede a significant power to him and the council he heads. Politics is no walk in the park awoowe. You take a good measure of your opponent, size him up real good, and deal with him on that basis. The two colonel have been at it for quite sometimes now. Like two dinosours wrestling in the jungle, number of trees and animals vanished under their weights. Col Uways has lost a considerable ground but he is still in the ring and like Sugar Ray he is not going down (knock out is out of question) easily it seems. Bloodied but not bowed is the right description in my book. So what to do: negotiate and try to up your marks in that way. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 20, 2008 Adeer with all due respect, apart from noise and murders this group has no clue and no choice. Adeer Xasan Dahir does not know how to walk in the park let alone politics. Negotiate with him, his only interest is to regain what his clan militia have lost. He is a vain old man who has placed his whole clan in jepordy just so he can get of that darn US watch list. Now he has even at odds with his most successful protege Sharif Ahmed. Thus if Xasan cares about Somali lives, he would not send children to their deaths from a hotel in Asamara. Quote Share this post Link to post Share on other sites