Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Xanuun la aqoonsan waayay oo si safmara ugu faafaya degmada Rako Raaxo ee gobolka Karkaar

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20250315_021802700.jpg?resize=720Guddoomiyaha degmada Rako Raaxo

Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan ayaa dhawaanahan si deg deg ah ugu faafaya degmada Rako Raaxo oo ka tirsan gobolka Karkaar ee Puntland, waxaana u dhintay ilaa 4 qof oo laba kamida dumar yihiin, halka ay u jiifaan inta badan dadkii degmadaasi.

Guddoomiyaha degmada Rako Raaxo ee gobolka Karkaar, Cabdirashiid Cumar Siciid oo xalay wareysi bixiyay ayaa sheegay in xanuun safmara oo qandho daran iyo qufac wata, islamarkaana aan weli la aqoosan uu ka dillaacay degaanka, kaasi oo ay u dhinteen ilaa 4 qof oo laba kamida dumar yihiin, halka ay u jiifaan in badan oo kamid ah bulshada Rako Raaxo.

“Xanuunkani waa mid aan la aqoonsan oo safmara, oo dadka inta badan ku dhacay, waa qandho daran oo qofkii sanka iyo afka dhiig ka keenayo lafaha xitaa laga qabanayo, waxaana uu waayayaa urkii iyo dhadhankii. Xanuunkani sida la caddeeyay ilaa 4 qof ayaa u geeriyooday oo laba kamida dumar yihiin” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Rako Raaxo ee gobolka Karkaar, Cabdirashiid Cumar Siciid.

Guddoomiyaha degmada Rako Raaxo ayaa sidoo kale sheegay in ay wacyi-gelin ku saabsan xanuunkaasi ka sameeyeen degaanka, sidoo kalena xarumaha caafimadka albaabada loo furay, si loola tacaalo xaaladda dadka uu soo ridanayo xanuunkaasi la garan waayay.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Xanuun la aqoonsan waayay oo si safmara ugu faafaya degmada Rako Raaxo ee gobolka Karkaar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this