Sign in to follow this  
Deeq A.

Wargays baahiyay in xidhiidh toos ahi u furmay Somaliland iyo Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

img_8_1741981016173.jpg

Majallada caanka ah ee Financial Times, oo soo xiganaysa Sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in uu wada hadalkii ugu horreeyey dhex maray Madaxtooyada Somaliland iyo dawladda Maraykanka kaas oo diirrada lagu saaray heshiis suurtagal ka dhigaya in la aqoonsado Somaliland isla markaana Maraykanka loo ogolaado in uu saldhig ciidan ku yeesho xeebaha magaalada Berbera.

Xogtan ayaa sida Masjalladu sheegtay ku kooban wada hadal labada dhinac dhex maray balse aan weli laga gaadhin natiijo buuxda.

Hadal haynta la xidhiidha in uu maamuulka Trump aqoonsayo Somaliland ayaa ahayd mid si weyn sare ugu kacday muddooyinkii la soo dhaafay, waxase lays waydiinayey waxa uu ku beddelan karo aqoonsi uu Somaliland siiyo wakhti xaadirkan.

Dekedda Berbera oo kulaalaysa gacanka Cadmeed ayaa ah meel xilligan si weyn loo daynanayo maaddama oo ay qayb ka noqon karto xiisadda ka taagan Biyaha Badda cas halkaas oo loo mari kari waayey weerarada ay wadaan kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallanta waddanka Yeman.

Gallaydh Media

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this