Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo Ka Hortimid in Dad Reer Qasa la Keeno Dhulka Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Axmed Fiqi, ayaa si cad u sheegay in dowladda Soomaaliya aysan oggolaan doonin qorshe kasta oo lagu keenayo  dad aan Soomaali ahayn dhulka Soomaaliyeed.

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya diidday soo jeedin kasta oo lagu wiiqayo xaqa ay reer Falastiin u leeyihiin dhulkooda.

Hadalka Wasiirka wuxuu yimid xilli ay jireen warar sheegaya in la qorsheynayo in dad reer Qasa ah laga raro dhulkooda oo la keeno Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u muujisay mowqifkeeda oo ah in aysan taageereynin qorshe kasta oo ka dhan ah xuquuqda Falastiiniyiinta iyo lahaanshaha dhulkooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa inta badan taageertay qadiyadda Falastiin, waxayna marar badan cambaareysay tallaabooyinka lagu waxyeeleynayo dadka reer Falastiin.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this