Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa cusub oo ka soo kordhay colaadda u dhaxeysa Soomaalida iyo Canfarta?

Recommended Posts

Deeq A.   
Dagaalka-Itoobiya.jpg?fit=1500%2C750&ssl

Jigjiga (Caasimada Online) – Maamullada Dowlad-deegaanada Soomaalida iyo Canfarta ee Itoobiya ayaa qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo nabadda iyo is-dhexgalka bulshada labada dhinac, si xal waara loogu helo colaadda ka taagan xuduudaha ay wadaagaan.

Hoggaanka nabadgelyada deegaanka Soomaalida, Cabdiqaadir Rashiid Ducaale ayaa sheegay in labada maamul ay qaban-qaabiyeen munaasabad afur ah oo lagu dhisayo xiriirka labada shacab.

“Ciidamadii waxa laga saaray goobihii ay horey u joogeen, wada-hadallona waa la bilaabay. Bisha Ramadaan, oo weerarro horey uga dhici jireen, ayaa loo adeegsaday fursad lagu mideynayo bulshada, si loo abuuro jawi nabadeed,” ayuu yidhi Ducaale oo la hadlay BBC.

Waxa uu intaas ku daray in magaalada Jigjiga afur loogu sameeyey wafdi ka kooban 65 sarkaal oo ka socda deegaanka Canfarta, halka sidoo kale madaxda Soomaalida afur loogu qaban doono deegaanka Canfarta. Intaas kadib, waxa la qorsheynayaa in afur guud lagu qabto xadka labada deegaan.

Dib-u-dejinta barakacayaasha iyo xal u helista muranka dhuleed

Ducaale waxa uu sheegay in tallaabada xigta ay tahay dib-u-dejinta dadkii barakacay, iyada oo si sharci ah loo xallin doono muranka la xiriira lahaanshaha dhulka.

Dhanka kale, Madaxweynaha deegaanka Canfarta, Awol Arba ayaa Talaadadii gaaray magaalada Jigjiga, halkaas oo uu ka qayb-galay munaasabadda afurka ee nabad-dhisidda.

Colaadda u dhexeysa labada deegaan ee Soomaalida iyo Canfarta ayaa salka ku haysa muran dhuleed.

Bulshada Ciisaha ee ku nool galbeedka Sitti ayaa aaminsan in ay ka tirsan yihiin deegaanka Soomaalida, halka maamulka Canfartana uu sheeganayo in dhulkaasi ka mid yahay dhulkiisa.

Dadaallada socda ayaa looga gol leeyahay in si nabadeed xal waara looga gaaro khilaafka taagan, kaas oo dhowr jeer sababay in labada dhinac dagaalamaan, una horseeday khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

The post Maxaa cusub oo ka soo kordhay colaadda u dhaxeysa Soomaalida iyo Canfarta? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this