Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Siciid Deni oo sannadkii labaad bixin la’ mushaarkii iyo xuquuqdii shaqaalaha dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1741950196163.jpg?resize=720%2C68

Shaqaalaha Rayidka ah ee wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee Puntland ayaa wajahaya mushaar la’aan wakhti dheer ah tan iyo intii dib loo doortay madaxweyne Siciid Deni.

Xukuumadda madaxweyne Deni oo aan weli laba sanno jirsan ayaa ku fashilantay bixinta mushaaraadka iyo xaquuqda shaqaalaha dowladda oo ku shaqeeya duruufo adag, kaddib markii ay saamaysay dhaqaale-xumada guud ee ka jirta degaannada Puntland, taasi oo salka ku haysa mashaariicda ku xayirmay khilaafka shakhsiyeed ee Siciid Deni iyo Xasan Sheekh.

Inta badan shaqaalaha dowladda ayaa sheegaya in aysan wax mushaara helin tan iyo sannadkii 2024, islamarkaana xuquuq la’aantoodu ka horraysay dagaalka Calmiskaad ee bilowday sannadkan 2025, taasi oo meesha ka saaraysa in xukuumaddu marmarsiinyo ka dhex raadiso dagaalka cirib-tirka argagixisada ISIS.

Dhinaca kale, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Calmiskaad waxaa dadka Reer Puntland dal iyo dibad si buuxda u garab istaageen ciidamada, taasi oo culayskii dhaqaale ka yaraysay dowladda, haddii ay keligeed ku noqon lahayd Taakulada iyo Kharashaadka ku baxaya dagaalka.

PUNTLAND POST

The post Xukuumadda Siciid Deni oo sannadkii labaad bixin la’ mushaarkii iyo xuquuqdii shaqaalaha dowladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this