Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Ruushka oo aqbalay xabbad-joojinta Ukraine, laakiin “weyddiinta” weli taagani ay tahay…..

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in uu ku oggol yahay hindisaha xabbad-joojinta ee Ukraine, laakiin “weyddiinta” weli taagani ay tahay nooca xabbad-joojinta isaga oo soo jeediyay dhowr shuruudood oo adag.

Hadalka Putin ayaa daba socda qorshe xabbad-joojin 30 maalmood ah oo ay oggolaatay Ukraine horraantii todobaadkan kaddib wadahadal dhex maray Maraykanka.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku tilmaamay jawaabta uu Putin ka bixiyay qorshahan mid wax isdaba marin ah, wuxuuna ku baaqay in cunaqabatayn dheeraad ah la saaro Ruushka.

Mareykanka ayaa cunaqabatayn dheeri ah saaray qeybaha saliidda, gaaska iyo bangiyada Ruushka.

Saraakiisha Ruushka ayaa sheegay in Putin la filayo inuu wadahadal ku saabsan xabbad joojinta fiidnimada Khamiista la yeesho ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo la yidhaahdo Steve Witkoff, kaasi oo ku sugnaa Moscow.

Ma cadda in kulankaasi dhacay iyo in kale. Jimcihii, warbaahinta dowladda Ruushka oo soo xiganeysa shabakadda la socodka hawada ee Flightradar ayaa sheegtay in diyaaradda la rumeysan yahay in ay sidday Witkoff ay ka tagtay Moscow.

Mid ka mid ah shuruudaha ugu weyn ee Putin ku xidhay hindisahaha xabba-joojinta waa midda ku saabsan in la gaadho xababd-joojin waarta iyo in meesha laga saaro waxyaabaha isag ula muuqda in colaadda aysababta u yihiin.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this