Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka iyo Israa’iil oo Soomaaliya iyo Suudaan ku cadaadinaya inay qaabilaan Falastiiniyiinta qasabka lagu barakicinayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida uu qoray wargeyska Jerusalem post Maamulka Trump iyo Israa’iil ayaa Soomaaliya,Soomaaliland, iyo Suudaan kala hadlay in dalalkooda la dejiyo dadka ku nool marinka Qasa ee la doonayo in dhulkooda qasabka looga raro.

Suudaan ayaa durbadiiba diiday dalabkaas, halka Soomaaliya iyo Somaliland ay sheegeen in aysan ka warqabin wax dalab ah oo uga yimid Mareykanka iyo Israa’iil, sida wargeysku sheegay.

wakaaladda wararka ee AP oo soo xiganaysa saraakiil Mareykan ah iyo Israa’iil, ayaa sidoo kale arrintaas xaqiijisay, balse ma jiro wax war ah oo ay arrintan ka soo saareen dalalkan ku yaalla Bariga Afrika.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this