Deeq A. Posted 22 hours ago Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa abaal marinno lacageed guddoonsiiyey halyeeyada kaalimaha hore ka galay tartanka sannadkan. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in tartankan Qur’aanka Kariimka ah uu ka tarjumayo sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dhaggan yihiin diintooda suubban, ugana shaqeynayaan barashadeeda iyo ku dhaqankeeda. Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in dowladnimada Soomaaliyeed ay u taagantahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka ayaa abaal marin dhan 20,000 oo doolar waxa uu guddoonsiiyey Cabdiraxmaan Cabdullahi Cismaan oo kaalinta koowaad u galay sannadkaan Tartanka Qur’aanka Kariimka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa abaal marinno guddoonsiiyey xufaadda kaalimaha hore galay oo kala ah; 1:Cabdiraxmaan Cabdullahi Cismaan $20,000 2:Sakariye Cabdullahi Xassan Rooble $15,000 3:Cismaan Cabdullaahi Cismaan $10,000 4:Caaisha Aadan Maxamed $7,000 5:Cabdiraxmaan Cali Xuseen $5,000 6:Usaama Yuusuf Farxaan $3,000 7:Ibraahin Cabdiraxmaan Ibraahim $2,000 Ugu danbeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey waalidiinta iyo macallimiinta barbaariyey halyeeyadan ku guuleysatay tartanka Qur’aanka Kariimka ah, waxa uuna Alle uga baryey in uu ku anfaco, fahamkooda barakeeyo, kana yeelo kuwii dalkooda ugu adeega. The post Sawirro: Xasan oo caawa abaal-marin u bixiyey $62,000 appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites