Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray tartanka Quraanka ee bisha Ramadaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa abaal marinno lacageed guddoonsiiyey halyeeyada kaalimaha hore ka galay tartanka sannadkan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in tartankan Quraanka Kariimka ah uu ka tarjumayo sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dhaggan yihiin diintooda suubban, ugana shaqeynayaan barashadeeda iyo ku dhaqankeeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in dowladnimada Soomaaliyeed ay u taagantahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka ayaa abaal marin dhan 20.000 oo doolar waxa uu guddoonsiiyey Cabdiraxmaan Cabdullahi Cismaan oo kaalinta koowaad u galay sannadka Tartanka Quraanka Kariimka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa abaal marinno guddoonsiiyey xufaadda kaalimaha hore galay oo kala ah;

1:Cabdiraxmaan Cabdullahi Cismaan $20,000

2:Sakariye Cabdullahi Xassan Rooble $15,000

3:Cismaan Cabdullaahi Cismaan $10,000

4:Caaisha Aadan Maxamed $7,000

5:Cabdiraxmaan Cali Xuseen $5,000

6:Usaama Yuusuf Farxaan $3,000

7:Ibraahin Cabdiraxmaan Ibraahim $2,000

Ugu danbeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey waalidiinta iyo macallimiinta barbaariyey halyeeyadan ku guuleysatay tartanka Quraanka Kariimka ah, waxa uuna Alle uga baryey in uu ku anfaco, fahamkooda barakeeyo, kana yeelo kuwii dalkooda ugu adeega.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this