Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xil sare u magacaabay Jihaan Cabdullaahi Xasan

Recommended Posts

Deeq A.   
484144083_1099477708890034_5899939477686

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xil sare u magacaabay Marwo Jihaan Cabdullaahi Xasan, taas oo noqoneysa La-taliyaha Sare ee Arrimaha Difaaca ee Madaxweynaha.

Marwo Jihaan horey waxay u soo noqotay La-taliyaha Sare ee Arrimaha Amniga iyo Dib-u-habaynta Ciidamada ee Xafiiska Madaxweynaha tan iyo Agoosto 2023.

Waxay door muhiim ah ka qaadatay kala guurka howlgalka ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika (ATMIS) iyo hirgelinta hawlgalka taageerada iyo xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Muddo 13 sano ah ayay si toos ah uga shaqeyneysay arrimaha difaaca, iyadoo door muuqda ku lahayd diyaarinta iyo horumarinta qorshaha amniga qaranka ee lasoo bandhigay sannadkii 2023.

Sidoo kale, waxay kaalin weyn ka qaadatay dib-u-habaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed intii u dhaxeysay 2017 ilaa 2020.

Marwo Jihaan Cabdullaahi Xasan waxay sidoo kale ahayd haweeneydii ugu horreysay ee loo magacaabo Agaasime Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga sannadkii 2019.

Tan ayaa muujineysa doorkeeda hoggaamineed iyo khibraddeeda sare ee dhanka difaaca iyo amniga qaranka, sida lagu sheegay wareegtada kasoo baxday Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay La-taliyaha cusub ee Arrimaha Difaaca inay ka shaqeyso dib-u-habaynta iyo horumarinta hay’adaha difaaca dalka.

484144083_1099477708890034_5899939477686

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo xil sare u magacaabay Jihaan Cabdullaahi Xasan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this