Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo xalinaya caqabad Soomaaliya sanad kasta looga dhaco boqolaal milyan

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Erdogan-.jpeg?fit=2048%2C1409&ssl=

Ankara (Caasimada Online) – Soomaaliya waxa ay sannad walba ku weynaysaa qiyaastii $300 milyan kalluumeysiga sharci-darrada ah, aan la soo sheegin iyo aan la xakameynin ee ka dhaca baddaheeda ballaaran.

Soomaaliya ayaa leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika, oo dhererkeedu yahay qiyaastii 3,333 km, una xigta Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed, taasoo ka dhigaysa biyaha Soomaaliya kuwo si weyn loogu tartamo—labadaba sharci iyo sharci-darro.

Maamul xumo, xasillooni darro siyaasadeed iyo fulin sharci oo liidata ayaa ka sii daray dhibaatada kalluumeysiga sharci-darrada ah.

Si wax looga qabto arrintan, Turkiga iyo Soomaaliya ayaa bishii Febraayo 2024 kala saxiixday heshiis is-afgarad ah, kaasoo dhigaya in ciidamada qalabka sida ee Turkiga ay gacan ka geystaan sugidda amniga badda Soomaaliya iyo fulinta sharciga muddo toban sano ah.

Kalluumeysiga sharci-darrada ah ee ka jira biyaha Soomaaliya waxaa inta badan sameeya doonyo laga leeyahay dalal ay ka mid yihiin Shiinaha, Iiraan, Kuuriyada Koonfureed, Taiwan, Spain iyo waddamo kale oo Yurub ah.

Cilmi-baare ka shaqeeya Muqdisho, kaasoo codsaday in aan la magacaabin, ayaa sheegay in qaar ka mid ah doonyahaas ay si sharci-darro ah ku heleen ruqsadaha kalluumeysiga.

“Ma jiro hab ay dowladda ku ogaan karto inta kalluun ee laga qabsaday biyahaheeda, maadaama doonyahaasi ay si xaddidan u soo gudbiyaan warbixinnada,” ayuu yiri cilmi-baaraha. “Waxay kalluunka gooshaan, dabadeedna si toos ah ugu dhoofiyaan suuqyada caalamiga ah.”

Dhibaatadu kuma koobna oo kaliya doonyaha ajnabiga ah, balse qaar ka mid ah dowlad goboleedyada, sida Puntland iyo Somaliland, ayaa iyaguna si madax-bannaan u bixiya ruqsadaha kalluumeysiga iyagoo aan wax wadatashi ah kala yeelan dowladda federaalka Soomaaliya.

Turkiga iyo dib-u-habaynta awoodda badda Soomaaliya

Bilowgii 2000-meeyadii, xilli kalluunka gudaha si weyn loo dhammaystiray kalluumeysiga sharci-darrada ah awgii, boqollaal kalluumeysato Soomaaliyeed ayaa ku khasbanaaday inay hubka qaataan, iyagoo u arkayay hab ay ku ilaashadaan kheyraadkooda iyo noloshooda.

Hawl-galladii ay sameeyeen ciidamada badda ee caalamiga ah ayaa si weyn u yareeyay khatarta burcad-badeednimada ee xeebaha Soomaaliya.

Hase yeeshee, 2024, waxaa soo baxaya calaamado muujinaya halis ah in burcad-badeednimadu dib u soo laabato, taasoo qayb ahaan la xiriirta weerarrada Xuutiyiinta ee maraakiibta ku dhex safreysa badda Cas.

Sanadkii 2011, Recep Tayyip Erdoğan, oo markaas ahaa ra’iisul wasaaraha Turkiga, ayaa booqasho taariikhi ah ku tagay Muqdisho, wuxuuna dib u furay safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.

Tan iyo markaas, iskaashiga Turkiga iyo Soomaaliya waxa uu noqday mid wax ku ool ah, iyada oo Turkigu uu Soomaaliya ka fuliyay mashaariic ballaaran oo isugu jira tababarada ciidamada, dhismaha isbitaallo, xarumo waxbarasho iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Intaa waxaa dheer, Turkiga waxa uu sahmiyay keydka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee ku hoos jira biyaha Soomaaliya, isagoo adeegsanaya awooddiisa diblumaasiyadeed iyo xiriirka taariikhiga ah ee uu la leeyahay Soomaaliya, oo ah dal Muslim ah.

Heshiiskii ugu dambeeyay ee labada dal wuxuu dhigayaa in Soomaaliya ay Turkiga ku wareejiso mas’uuliyadda ilaalinta biyahaheeda iyo kheyraadka badda muddo toban sano ah.

Turkiga ayaa bixin doona tababar ciidan, hawlgallo wadajir ah, is-weydaarsi macluumaad iyo qalabaynta ciidamada badda Soomaaliya.

Sida ku cad heshiiska, Turkiga waxa uu helayaa 30% dakhliga ka soo baxa biyaha dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya, iyo sidoo kale maamulida sahaminta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah.

Warbixinno ayaa sheegaya in Soomaaliya ay leedahay keyd shidaal iyo gaas oo gaaraya 30 bilyan oo fuusto.

Lama oga sida uu heshiiskani u saameyn doono Puntland iyo Somaliland, oo horey heshiisyo ula galay dalal kale oo gobolka ka tirsan.

Xasaradaha Geeska Afrika iyo saamaynta heshiiska

Turkiga waxa uu horey u muujiyay sida uu uga go’an yahay horumarinta awoodda difaaca ee Soomaaliya. Tan waxaa ka mid ah tababarka ciidamada gaarka ah, dhismaha xerada Camp TURKSOM, iibinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), la wareegidda dekedda iyo garoonka Muqdisho, iyo qeyb ka noqoshada duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taasoo la micno ah in ballanqaadka Turkiga ee dib-u-dhiska awoodda badda Soomaaliya uu dhici karo, taasoo u sahli karta Soomaaliya inay si wanaagsan ula socoto biyahaheeda, ay qabato doonyaha sharci-darrada ah, ay ka hortagto wasakheynta badda iyo inay iska ilaaliso burcad-badeednimada iyada oo kaashaneysa ciidamada badda Turkiga.

Si kastaba ha ahaatee, caqabado ayaa weli jira. Heshiiskii bilowgii 2024 dhexmaray Ethiopia iyo Somaliland ayaa laga yaabaa inuu sii adkeeyo xaaladda, inkasta ooh adda ay u muuqato in uusan dhaqan-geli doonin.

Dowladda Soomaaliya waxay arrintan u aragtay xadgudub qaranimadeeda ka dhan ah, waxayna dalbatay in Itoobiya ay ka laabato heshiiska.

Bishii December 2024, Turkiga ayaa soo qabanqaabiyay shir ay ku kulmeen Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana laga soo saaray Baaqii Ankara, kaasoo dabciyay xiisaddii labada dal ee la xiriirtay arrimaha marin-badeedka.

Hase yeeshee, haddii Soomaaliya isku daydo inay awoodeeda ku fidiso aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Somaliland, heshiiska badeed ee Soomaaliya iyo Turkiga waxa uu sii hurin karaa xiisado siyaasadeed.

Soomaaliya waxa ay muddo dheer ahayd goob ay ku hardamayaan quwadaha waaweyn ee caalamka, sida Mareykanka, Imaaraadka Carabta, Masar, Qatar, UK iyo Shiinaha.

Dowladahaasi waxay ka walaacsan karaan sida Soomaaliya ay si gaar ah ugu xirtay Turkiga, taasoo keeni karta in ay dib uga fiirsadaan taageeradooda amni iyo horumarineed.

Soomaaliya waxay u baahan doontaa xeel-dheeri diblomaasiyadeed si Turkiga uu u sii wado la dagaallanka kalluumeysiga sharci-darrada ah, iyada oo isla markaana xiriir wanaagsan la yeelanaysa dalalka deriska iyo beesha caalamka.

The post Turkiga oo xalinaya caqabad Soomaaliya sanad kasta looga dhaco boqolaal milyan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this