Sign in to follow this  
Deeq A.

Shuute: Hurdo jiifa meyno dalkaana Khawaarij ma qabsa doonto ee jihaadka gala + Video

Recommended Posts

Deeq A.   
Shuute-furinta.png?fit=1554%2C835&ssl=1

Laba-garas (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo maanta furimaha dagaalka ee gobolka Sh/Dhexe ugu khudbeeyey cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa wacad ku maray in Shabaab aysan guul ka gaari doonin dagaalka ay ku soo qaadeen gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Walaahi Bilaahi Talaahi inta qof naga nool yahay in Shabaab uusan dalkaan ka tali doonin, waan jihaadeynaa, meel kale oo aan aadno ma naqaan, adduunka wadankaan ayaan ku leenahay, Khawaarijna kuma wareeji doono,” ayuu yiri Shuute.

Guddoomiyaha oo qoriga iyo booshka garabka surtay ayaa muddo bilk u dhow ka barbar dagaalamaya ciidamada qaranka ee ka dagaalamaya gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay ku soo qaaday weerarro  rogaal celis ah.

“Meel aan ka aadno dalkeena ma naqaan, waan dagaalameynaa, waxaan ku jirnaa jihaad xaq ah, meel aan u laabano nagama dambeyso, dagaalkaan waan la isku baranayaa, waxaan ku jirnaa Ramadaan iyo Jilaal kulul, hadii aan ku shahiidno dagaalkaan waxaan nahay Shuhaado, ragga naga dhaawacmay waxaan ka codsaneynaa inay dagaalka kusoo laabtaan markii ay bogsoodaan,” ayuu yiri Shuute.

Guddoomiyaha ayaa aad ula dardaarmay ciidanka, wuxuu sheegay in Shabaab ku Jabeen dagaalka, isagoo ciidanka niyadda ugu dhisay inay ku sii dhowaanayaan guusha, kii dhintaana uu shahiid yahay.

“Intii aan maxkamadeynayey Shabaab-ka mid kasta oo aan wareysto wuxuu ilahaa dagaalka waan ku jabnay, ciidamada dowladana waa ugu daran Gor Gor,” ayuu yiri Shuute oo galabta u khudbeynayey ciidamada Gor Gor ee dagaalka uga jira Sh/Dhexe.

Taliyaha Ciidanka Xoogga, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Shuute iyo dhamaan saraakiisha ciidanka xoogga ayaa iska xaadiriyey furimaha dagaalka, halkaas oo halgankii ugu adkaa uu ka bilowday, kadib markii ay maalmo ka hor gobolka Sh/Dhexe soo galeen Shabaab soo jabsaday wabiga.

Hoos ka daawo

The post Shuute: Hurdo jiifa meyno dalkaana Khawaarij ma qabsa doonto ee jihaadka gala + Video appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this