Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyey maamulka hey’adda sharciyeynta Adeegyada Baaritaanka iyo Beeraha Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada, ayaa looga hadlay xaaladda amniga guud ee dalka, dardargalinta howlgallada dib-u-xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha Shabaab, oo guulo waaweyn ay ka soo hooyeen ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka.

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey soo jeedinta Wasaarrada Beeraha iyo Waraabka ee Magacaabista Maareeyaha iyo Maareeye ku Xigeenka hey’adda sharciyeynta Adeegyada Baaritaanka iyo Beeraha Soomaaliyeed, oo loo magacaabay in uu noqdo Mudane Cabdi Maxamed Xuseen, Maareeyaha Guud, halka Mudane Liibaan Cabdi Xasan, loo magacaabay Ku-Xigeenka.

kulanka ayaa sidoo kale waxaa lagu meel-mariyey heshiis is-afgarad ku saabsan arrimaha Bartoolka iyo Gaaska oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Azerbaijan, iyo Xeerka xarunta Shaqada ee Ururka Iskaashiga Islaamka.

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this