Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20230807_000914458-1440x108

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo hadal ka jeediyay Kulan xalay ka qabsoomay magaalada Boosaaso ayaa baaq nabadeed ka soo saaray xiisadda colaadeed ee ka aloosan degaanno ka tirsan galbeedka gobolka halkaasi oo ay isku horfadhiyaan ciidamada SSC-khaatumo iyo kuwa Somaliland.

“Dirirta jiidda hore ee gobolka Sool ka aloosan waan ka xumahay runtii in arrintaasi dhacdo, waxaan rajaynayay in ay dagaalladii intaasi ku ekaadaan. Haddii dadka degaanka ujeedkoodu ahaa in ay degaannadooda kala joogaan, wixii kale oo dagaal la huriyo waa dagaal runtii aan garawshiyo lahayn” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa ugu baaqay labada dhinac ee SSC-khaatumo iyo Somaliland in ay joojiyaan dagaalka oo ay ku beddelaan wada-hadal, waxaana uu sheegay in aysan marna kala guuri karin labada dhinac”Hala wada-hadlo oo ha la iau dheg-nuglaado waxaynu nahay dad Soomaaliyeed dagalkani ka guuri mayno. Weli lama sheegin dagaal siyaasadeed oo xoog lagu xalliya.”

Hadalka madaxweyne Deni ayaa imaanaya xilli ay colaad daran oo qabiil ku salaysan ka dhex aloosan tahay dhinacyada SSC-khaatumo iyo Somaliland, iyadoo dagaallo culus oo khasaare badan sababay ay dhawaanahan dhexmareen ciidamada labada dhinac oo weli is hor fadhiya.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka Sool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this