Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo 4 sanno oo xabsi ah iyo magdhaw lacageed ku xukuntay nin lagu helay in uu jir-dilay wiil yar oo Yemeni ah

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1741863951385.jpg?resize=720%2C53Avv. Cabdikariin Maxamed Nuur

Maxkamadda derejada kowaad ee degmada Garoowe ayaa maanta la hor-keenay eedaysane, Cabdifitaax Cabdinuur oo loo haysto in uu suuqa INJI ee caasimadda Garoowe ku jirdilay wiil yar oo u dhashay dalka Yemen, taasi oo qoyskiisu Qaxooti ku yihiin magaalada.

Fadhigii maxkamadda ee maanta ayaa sidoo kale la hor-keenay caddaymaha muujinaya eedda loo haysto Cabdifitaax Cabdinuur, taasi oo ay ku jirto caddayn muuqaal ah oo laga duubay eedaysanaha oo jirdilaya wiilka yar ee Yemeniga ah, islamarkaana waxa uu isagu maxkamadda horteeda ka qirtay in uu falkaasi ku kacay.

Dhegeysi kaddib, maxkamadda derejada kowaad ee degmada Garoowe ayaa eedaysane Cabdifitaax Cabdinuur ku ridday 4 sanno oo xabsi ah iyo in uusan mudda sannada wax shaqo ah ka qaban karin goobaha dadweynaha, waxaana lagu ganaaxay in uu bixiyo mag-dhaw maskaxeed dhan $1,500 oo dollar iyo sidoo kale wixii laga simo dhaawacyada ku yaalla wiilka yar.

Guddoomiyaha maxkamadda derejada kowaad ee degmada Garoowe, Avv. Cabdikariin Maxamed Nuur oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay in sidoo kale eedaysane Cabdifitaax Cabdinuur lagu helay eed ku saabsan in uu sifo aan sharci ahayn ku xirtay tuutaha ciidamada dowladda oo uusan ka tirsanayn, uuna kaga shaqeeyay goobaha dadweynaha.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo 4 sanno oo xabsi ah iyo magdhaw lacageed ku xukuntay nin lagu helay in uu jir-dilay wiil yar oo Yemeni ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this