Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa keenay canshuurta ay Somaliland ku soo rogtay lacagaha telefoonka ee wax lagu iibsado

Recommended Posts

Deeq A.   

 

bcf55800-ff40-11ef-8c3d-b7dcc7510cb1.jpg
 Somaliland, ayaa soo bandhigtay cashuuraha iibka ee ay ka qaado adeegyada iyo badeecadaha kala duwan ee lagu kala iibsado deegaannadaas.

Cashuurtan oo ah lacag dhan 5% oo hore looga qaadi jiray goobo ganacsi oo cayiman, ayaa go’aan ay soo saartay Xukuumaddu ku sheegtay in ay ku balaadhisay ururinta cashuurtaas oo lagu kordhiyey adeegyo cusub oo aan hore loo canshuuri jirin.

Guddiga uu Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, u xil saaray meel marinta go’aankan cashuuraha iibka lagu hirgelinayo, ayaa ku dhawaaqay in cashuurtan iibka adeegyada iyo badeecadaha kala duwan ee la kala iibsado la hirgeliyey maalintii Isniintii ee toddobaadkan, waxaanay sheegeen in adeegyada la cashuurayo ee la soo kordhiyey ay ka mid yihiin lacagta lagu shubo Telefoonnada marka lagu hadlayo, lacagaha lagu shubo mobillada ee loo isticmaalo Internet-ka iyo adeegyada internet-ka ee Xafiisyada iyo Guryaha, kuwaas oo dhamaantood aan hore loo qaadi jirin

Isgaarsiinta Somaliland

Maxaa keenay wakhtigan in la qaado cashuurta iibka adeegyada?

Dakhliga ay ku tiirsan tahay miisaaniyadda Somaliland, ayaa waxaa ugu weyn cashuuraha laga qaado alaabooyinka soo dega iyo kuwa dhoofa ee lagu ururiyo Kastamada. Waxaanay ku tiirsanaanta cashuuraha kastamadu galeen muddooyinkii u dambeeyey hubanti la’aan, ka dib colaadaha ka jira bariga Somaliland, qulqulatooyinka badda cas iyo xiisadaha kale ee adduunka ka jira

Tani, waxa ay keentay in guddi uu Madaxweyne Cirro u saaro hirgelinta cashuurtan, si loo xoojiyo cashuurta gudaha, sida ay warbaahinta u sheegeen Guddigan ka shaqaynaysa meel marinta qorshahan.

Wasiirka Madaxtooyada oo ka mid ah Guddiga ayaa sheegay in sababta keentay cashuurtan la sal-balaadhiyey ay tahay sidii loo xoojinta dakhliga gudaha Somaliland, si wax looga qabto baahiyaha aasaasiga ah “Ujeeddada laga leeyahay cashuurtan waxa weeye in aan kor u qaadno dakhliga dawladda, si loo horumariyo adeegyada Dawladda, loona hirgeliyo mashaariicda horumarineed ee wax ka taraya dhaqaalaha Waddanka. Kuma tiirsanaan karno waxyaabaha dibedda innooga yimaada, waa in cashuuraha waajibka ah ururino” ayuu yidhi Wasiirka mdaxtooyada Khadar Xuseen Cabdi, oo guddigan ka mid ah.

Qaab noocee ah ayaa loo qaadayaa cashuurtan?

Inkasta oo farsamo ahaan su’aalo ka taagan yihiin qaabka loo qaadayo cashuurtan, madaama aanay dawladdu si toos ah qofka macmiilka ah uga qaadayn, lacagtana marto nidaamka electronic oo mobilada dhexdooda uu ka dhaco adeegyada iyo alaabooyinka la cashuurayo, haddana Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegtay in hannaanka ay cashuurtan ku uruurinayso uu marayo meel wanaagsan, oo shirkaddaha isgaadhsiinta la qaateen in ay lacagahan u qaadaan.

“Waxa aan halkan ku caddaynaynaa in hawshaasi u socoto si habsami leh, isla markaana shirkadaha Korontadu ay dhaqan-geliyeen cashuurtaasi, fuliyeena isku-xidhka API-ga ee nidaamka iibka shirkadaha iyo nidaamka GST-ga ee Wasaaradda Maaliyadda” ayaa lagu yidhi qoraalkan Wasaaradda Maaliyadda ka soo baxay ee Cashuurtan lagu dhaqan geliyey.

Sidoo kale, Fuaad Axmed Nuux, oo ah Wasiirka Duulista Hawada, waxa uu u sheegay Warbaahinta qaabka loo qaadayo cashuuraha shirkadduhu u fududaynayaan, madaama adeegyadu ka dhex dhacayaan Moobilada “Shirkadaha Isgaadhsiinta waxa aannu mabda’ ahaan isla qaadanay dhaqan-gelinta cashuurtan, iyada oo gacanta lagu hayo farsamo ahaan dhammaystirkeeda”.

Amarka Dawladda Somaliland

Saameyn noocee ah ayey Dadka ku yeelan kartaa qaadista Cashuurtan?

Sida uu BBC-da u sheegay Yuusuf Maxamed Xuseen oo ah falanqeeye arrimaha dhaqaalaha iyo cashuuraha ka faalooda, waxaa cashuurtan ka dhalan kara saameyn laba nooca ah, taas oo qaadisteedu ku yeelan karto bulshada.

Yuusuf Maxamed waxa uu sheegay in marka dhinaca faa’iidada laga eego ay keeni karto dakhliga oo kordha “Marka dhinac laga eego cashuurtan qaadisteedu waa mid faa’iido weyn ugu jirto dawladda oo waxay wax kaga qaban kartaa baahiyaha jira ee bulshada, waxaanay ku fulin kartaa mashaariic horumarineed, si ay si xikmadi ku jirto u hirgeliso, dakhligana kor ayey u qaadaysaa” ayuu yidhi Yuusuf Maxamed Xuseen.

Waxa uu intaas raaciyey “Haddii aynu dhinaca kale ka istaagno, marka danyarta la eego waxa dhici karta in ay saamayn ku yeelato, laakin cashuurtan way ka reebban tahay waxyaabaha qaarkood oo aasaasi ah sida raashinka iyo dawooyinka, laakiin adeegyada qaarkood oo cashuurtani ku waajibayso oo ay ka mid yihiin waa laga yaabaa in ay saamayn ku yeelato dadka danyarta ah”.

Sidee ayey Dadweynuhu u arkaa cashuurtan la saaray adeegyada iyo badeecadaha?

Dadweynaha Magaalada Hargeysa, oo qaarkood la hadlay BBC-da, ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey cashuurtan ay xukuumaddu saartay adeegyada kala duwan.

Maxamed Xuseen Warsame, oo ka mid ah bulshada Hargeysa ku nool, waxa uu qabaa in cashuurtan ay tahay mid culays ku ah dadka danyarta ah oo noloshooda taabanaysa, waxaanu yidhi “Cashuurtan waa arrin culayskeeda leh, bulshada danyarta ah ee culaysyadu haysteen ayey arrintan sii fuulaysaa, madaama waxyaabo aasaasi ah la saarayo cashuurtan oo ay ka mid yihiin biyaha, laydhka iyo Internet-ka, markaa xukuumaddu dib ha u eegno tallaabadan”.

Layla Axmed Ismaaciil oo la hadashay BBC-da, ayaa iyadu aamisan in tallaabadan cashuurta la saaray addeegyada kala duwan ay tahay mid loo baahan yahay, oo ay dawladdu adeegyada aasaasiga ah ee bulshada wax kaga qabanayso.

“Canshuurtan waxa aan u arkaa mid sax ah, oo aan wax saamayn ah ku yeelan karin bulshada, taas beddelkeeda waxaan u arkaa mid faa’iido u ah dadka, waayo cashuurtan dalka ayaa dib loogu soo celinayaa oo wax loogu qabanayaa” ayey tidhi Layla.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this