Sign in to follow this  
Deeq A.

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ: โ€œ๐—ช๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ ๐—ด๐˜‚๐˜‚๐—น๐—ฒ๐˜†๐˜€๐˜๐—ฎ๐˜† ๐—พ๐—ผ๐—ณ๐—ธ๐—ถ๐—ถ ๐—ฑ๐—ถ๐—น๐—ฎ ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ ๐—ฎ๐˜† ๐—ฑ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ž๐—ต๐—ฎ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ท๐˜๐˜‚โ€

Recommended Posts

Deeq A.   

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqday dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka ka dhanka ah Kooxda Shabaab ee ku jira Isbitaalada xoogga iyo Erdogan (Ex Digfeer)

Raโ€™iisul Wasaaraha, oo mid mid u booqday, una kor istaagay qaar kamid ah ciidamada difaaca Qaranka u dhaawacmay, ayaa ka xogwareystay xaaladdooda caafimaad, isaga oo Alle uga baryey in uu siiyo caafimaad deg-deg ah oo ay kaga soo kabtaan dhaawaca soo gaaray, wuxuuna ku dhiirrigeliyay adkeysiga iyo dadaalka ay ugu jiraan difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha argagixisada ah.

โ€œWaxaa guuleystay qofkii dila Khawaarijta ama ay dilaan, sida uu Rasuullku sheegay waa qolo diinta si khaldan u fahmay, waxaan rabnaa in ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ay helaan isbitaallo casri ah oo lagu baxnaaniyo maadama uu dalkeennu dagaal adag kula jiro kooxo kasoo horjeeda nabadda iyo xasilloonida dhowaanna dalkiina iyo dadkiinna oo nabad ah ayaa idiin abaalgudi doonaโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay mar walba garab u tahay halyeeyada naftooda u huraya diinta, dadka iyo dalkooda, si ay uga u ciribtiraan argagixisada u taaggan daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this